Golaha Wakiilada Oo Go’aan Ka Gaadhay Lacagta Lagu Soo Rogay Baabuurta Soo Degaysa

gOLAHA(Duulnews)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta qaraar ku laalay Lacagta 80-ka Dollar ah ee laga qaadi jiray Gaadiidka dekedda ka soo degaya. Fadhigii golaha ee maanta ayaa la hor dhigay Mooshin loogu cadaynayo

Lacagtaasi waxaanay badiba Mudaneyaasha kulanka ku sugnaa diidaan in Lacagtaasi la qaado.

 

Ganacsatada Gaadiidka soo dejisa ayaa Olole badan ka galay sidii lacagtaasi looga dhaafi lahaa kadib markii Xukumaddu ruqsad u siisay Shirkad xafiis ka furatay Berbera oo lagu sheegay inay ilaalinayso tayada gaadiidka islamarkaana gaadhigii kasta ee soo dega ka qaadaysa lacag dhan 80 Dollar.

 

Ganacsatada ayaa Lacagta ku tilmaantay mid dad gaar ah lagu naasnuujinayo looguna samaynayo Mashruuc ay lacag ku gurtaan, balse Wasiirka hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa hore ugu dooday inay tahay lacag ay Wasaaraddiisu jidaysay oo lagu dhawrayo tayada gaadiidka dalka soo galaya.

 

Go’aanka ka soo baxay aqalka Wakiilada ayaa ka mid noqonaya go’aamada faro ku tiriska ah ee Goluhu ugu daneeyo Bulshada, kaasi oo aanay mucaarad iyo Muxaafad u kala hadhin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>