Guddiga Qaban-qaabada Xuska 18 May Oo Maanta Ka Waramay Siday U Dhici Doonto Xuska Maalinta Qaran Ee Sanadkani

Camera sss(Duulnews)-Gudigii uu Madaxweynuhu dhawaan u Magacaabay qaban qaabada Xuska 18 May,ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Magaaladda Hargaysa.markii kulankaasi soo idlaaday waxa Warbaahinta halkaas kala hadlay Gudoomiyaha Gudigaas,ahna Wasiirka Maaliyadda Marwo; Zamzam Cabdi Aadam,waxaanay ka warantay waxa sanadkan halku dhigga u ah Xuska Maalinta Qaran ee 18 May.waxay tilmaamtay Wasiirku in sanadkan lasla qaatay in hal-ku-dhiggu noqdo “ Dalkayga Somaliland,Doodi kama furna”.
Dhinaca kalena,waxay ugu baaqday qeybaha Bulshadda reer Somaliland gudo iyo dibadba in si weyn loo muujiyo Maalinta Qaranimadda Somaliland.wasiirka oo arimahaas ka hadlaysa ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa “ waxaanu doonaynaa in aanu sheegno in 18 May loogu talo galay in si weyn looga wada qeyb qaato,dibadda iyo gudahaba.in qof kasta oo Somalilander ku abtirsadaa meel kastaba ha joogee inuu si weyn u muujiyo farxada Maalintaas” ayay tidhi Gudoomiyaha Gudigu Marwo Zamzam Cabdi Adam,waxaanay intaas raacisay “sanad walba waxa la qaataa hal-ku-dhigg.sanadkan waxaanu qaadaynay markaanu falanqaynay Team-kayaganu “Somaliland Dalkayga,doodi kama furna”.
Waxa kale oo Umadda shacabka ugu baaqday inay isku-sidkaan Muujinta farxadda iyo fantasiyaha maalintaas iyo ilaalinta nabadda iyo Xasiloonidda Qaran.
Dhinaceeda Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga,ayaa Bulshadda usoo jeedisay in ka hor Xuska Maalinta 18 May laga sii shaqeeyo Nadaafadda,isla markaana la nadiifiyo goobaha kala duwan ee Qashinka si Maalintaas ay ugu dabaal dagno iyada oo deegaanku nadiif yahay.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland,isaga oo si gaar ah qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Dalka ugu baaqay inay kaalintooda ka gaystaan Xuska Maakintaas qaran,isaga intaas raaciyay in sanadkan ay Warbaahintu sidi doonto calanka ol-olaha xuska 18 May “ waxaynu joognaa xili ay qaangaadh nahay,xili ay Dawladnimadeenu dhinac walba ay taam tahay,waxynu joognaa xili aynu ku faani karno oo ay sanad-guuradani ku suntahay xili dalku horumar badan gaadhay,waxaynu joognaa xili aynaan baahi u qabin inaynu war war ka qaadno in Jamuuriyadeena Somaliland ay wax yeeli karto cid dibadd kaga timaada iyo cid gudaha joogtaaba”.
Waxa kale uu Wasiirku ka hadlay Kaalinta Warbaahinta Madaxa banan iyo ta Dawligi ahiba ka qaadan doonto Xuska 18 May
“Cududda sanadkan ay Jamuuriyadda Somaliland ku dabaal-dagi doontaa waa Saxaafadda.kaalinteena ayaynu ku qaadanaynaa.Jamuuriyadda Somaliland ayaynu maanta calankeeda kor u qaadaynaa” ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>