Guddiga Somaliland U Qaabilsan Dacwada Cali Samatar Oo Sharaxay Halka Uu Kiiskiisu Marayo

Samat(Duulnews)-Guddida Somaliland u qaabilsan Dacwadda Cali Samatar, ee la xidhiidha Xasuuqii uu Somaliland u gaystay, ayaa sheegay in haatan Kiisku yahay mid gabogabo ah. Guddi caddaaladeed oo fadhigeedu yahay Faransiiska oo Arrintan Muwaadiniinta

Somaliland kala shaqaysay iyo guddida Somaliland ayaa saxaafadda u sheegay in haatan Kiisku yahay dhamaad islamarkaana Cali Samatar Maraykanka laga mastaaturinayo.

Katin Hopet, oo ka socotay Guddida Caddaaladda iyo daba galka Dambiyada oo ay xaruntoodu tahay Faransiiska iyo Maraykanka, ayaa sheegtay inay muddo dheer daba socdeen Kiiskan, haddana ay ku faraxsan yihiin inay Bulshada iyo Dawladda Somaliland u soo bandhigaan halka uu marayo oo ah meel gabo-gabo ah.

Xubin u hadlay Muwaadiniinta Somaliland ee Kiiskan dabada ka riixayay ayaa sheegay in dacwada Cali Samatar ay haatan tahay dhamaad waxaanu yidhi “Kiiskii Cali Samatar oo nagu qaatay muddo dheer, waxaan idiin sheegayaa inuu haatan gabo-gabo yahay. Wax badan baanu isla soo marray runtii oo dadkuna waa ka dheregsan yahay laakiin, aakhirkii waxay noqonaysaa in laga Mastaafuriyo waddanka, Kiiskii ama dacwaddiina, iyo wixii dambi uu umadda ka galayna waxay noqotay wax ku caddaaday oo aanu Maxakamadda horteeda kaga caddaynay. Kaligiina muu ahayn ee rag badan baa jira oo qaarkood meelahaas ku gabadaan, runtiina waxaan filayaa in wax badan la xallin karo”

Saleebaan Xuquuq oo Shirka Jaraa’id ku wehelinayay, Guddida iyo Mawaadiniinta Somaliland, ayaa Dawladda Somalia ku bogaadiyay inaanay muddooyinkii u dambeeyay kiiskaasi faro galin sidoo kalena aanay dalban wax dambi ka dhaafis ah. Waxaanu guddida ku bogaadiyay hawsha ay qabteen.

Cali Samatar, ayaa loo haystaa Xasuuqii Bulshada Somaliland loo gaystay xilliyaddii uu Xukumaddii Somalia ka ahaa Ra’isal wasaaraha iyo wasiirka Gaashaandhiga oo amarradiisa lagu fulinayay dilkii iyo dhibaatadii foosha xumayd ee bulshada Somaliland lagula kacayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>