Guddomiye Cirro Oo Dalka Kusoo Laabtay,Kana Hadlay Ujeedka Safar Uu Ku Joogay Dalka Turkiga

ciiro(Duulnews)-Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu in muddo ah ugu maqnaa Wadanka Turkiga.

Gudoomiyaha oo ay garoonka Diyaaraha ee Magaaladda Hargaysa kusoo dhaweeyeen Madaxda Xisbigiisa iyo Taageeraal ka tirsan Xisbiga WADDANI,ayaa ka hadlay ujeedka safar uu ku joogay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga,waxaana uu sheegay inuu ahaa safar caafimaad.waxa kale oo uu sheegay in markii uu usoo dhamaaday hawlihiisi Caafimaad uu kulamo la qaatay Madaxda Wasaaradda arimaha dibadda ee Dalka Turkiga,waxaana uu tilmaamay inay ka wada hadleen sii xoojinta Xidhiidhka Wada-shaqayneed ee ka dhexeeya labadda dhinac,isaga oo gudoomiyuhu intaas raaciyay in Dawladda Turkiga iyo Somaliland uu ka dhexeeyo Xidhiidh soo jireen ah,hadana ay Dawladda Turkigu Somaliland ka furatay Qunsuliyadda kali ah ee ay ku leedahay Wadamadda Saxaaraha ka hooseeya ee Qaaradda Afrika.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>