Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro Oo Furay Tartanka Koobka Ciyaaraha Bisha Ramadaan Ee Garoonka Xawaadle+Agab Ciyaareedna Guddoonsiiyey Afar Kooxood Oo Ku Ciyaaraya Garoonkaas.

Hargeysa(Duulnews):-Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa garoonka Xawaadle ee Hargeysa ka furay tartanka ciyaaraha Kubadda Cagta oo soconaya bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxaana uu sida oo kale Afar Kooxood oo ku dheelaya garoonkaasi uu guddoonsiiyey gabi ahaanba agabka Ciyaaraha oo isagu jira Direyska lagu ciyaaro iyo Kubaddo.

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo tartankaasi galabta u furay dhalinyaro aad u tira badan oo halkaas ku sugnaa, ayaa waxaa socdaalkiisa ku wahelinaayey gudida fulinta, hoggaanka, garabka dhalinyarada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Waxaan halkaas si balaadhan ugu soo dhaweeyey guddoomiyaha garoonka ee degmada 26ka Juun, ciyaartoydii, tobabarayaashii, iyo taageerayaashii ku sugnaa garoonka, iyaga oo halkaas dhammaantoodba si aada uga mahad-celiyey guddoomiyaha iyo xubnaha ku wehelinaayey socdaalkiisa furitaanka koobka ciyaaraha kubada cagta bisha barakeysan ee Ramadaan iyo sida oo guddoonsiinta Direysyada iyo Kubadaha lagu ciyaaro, iyaga oo sida oo kalena halkaas ka cadeeyey in si mugleh u barbar istaagi doonaan xisbiga Waddani.

Siyaasi Axmed Like iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda waxaa ay iyaguna uga mahad-celiyeen guddoomiye Ciro sida uu u qiimeynaayo xaafada 26ka Juun, waxaana ay tilmaameen in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu Agab ciyaareed guddoonsiiyo kooxaha ugu heerka sareeya ee ka ciyaaraya garoonka, iyaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in xaafada 26kaJuun aanay marnaba illaawi doonin sida guddoomiye Ciro u barbar istaagay.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo isna halkaas ugu danbeyntii ka hadlay, ayaa dhankiisa waxaa uu Ciyaatoyda, Taageerayaasha iyo Maamulka Garoonka Xawaadleba uga mahad-celiyey sida qiimaha badan ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay in xiligan hada ay hoos u dhaceen ciyaarahii iyo waliba sida oo kale ku dhiiri galinta dhalinyarada jecel Ciyaaraha, waxaana uu xusay in ka Xisbi ahaan marka ay talada dalka la wareegaan ay kor u qaadi doonaan dhiiri galinta ciyaaraha isaga oo xusay in mudada Tartanka Koobka Kubada Cagta ee bisha Ramadaana uu mar walba iman doono garoonka Xawaadle, si uu dhalinyarta dareen ahaan ugala qeyb qaato xiisaha ay u qabaan ciyaaraha.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>