Guddoomiye Cirro Oo Dawlada Jabuuti Ugu Hambalyeeyey Xuska 38 guurada Xornimadoodii Ay Faransiiska Ka Qaateen 27.Juun.1977kii.

(Duulnews)-Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa dhambaal hambalyo iyo boggaadin ah u diray

 

 

dawlada Jabuuti iyo dhammaanba shacbigeeda, isaga oo ugu hambalyeynaaya xuska sannad guuraddii

 

 

38aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen guumastihii Faransiiska 27/Juun/1977kii,

 

 

oo maanta ku beegan.

 

 

Guddoomiyahu, waxaa uu ku boggaadinayaa dhammaanba ummadda reer Jabuuti iyo dawladoodaba

 

 

horumarka ay gaadheen mudadaas ay madaxbanaanida haysteen, waxaana uu ku dhiiriyey in ay

 

 

dedaalka iyo horumarka ay halkaas ka sii wadaan, isaga oo sida oo kalena ku ammaanay dedaalka ay

 

 

mar walba ugu jiraan adkaynta nabad-galyada oo dan u ah guud ahaan geeka Afrika.

 

 

Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu ugu danbeyntii mar kale uu hambalyo iyo boggaadin u dirayaa

 

 

dhammaanba shacabka reer Jabuuti iyo dawladoodaba, waxaana uu Illaahay uga baryeyaa in

 

 

sannadka sannadkiisa ay ku gaadhaan bash bash, horumar, wada-jir iyo barwaaqo.

 

 

Allaa Mahad Leh

 

 

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani

 

 

Muj.Boobe Yuusuf Ducaale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>