Guddoomiye Cirro Oo Dhammbaal Tacsiya U Diraya Marxuum C/laahi Buubaa Hure Oo MaantaKu Geeriyooday Hargeysa

Hargaysa:(Duulnews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro isagoo ku haddlaya magaciisa ka Golaha Wakiilada iyo ka Xisbiga WADDANI Wuxuu Tacsi U Dirayaa odayaasha cuqaasha salaadiinta Boqorada wax-garad Iyo dhammaanba shacabka reer Somaliland, gaar ahaan qoyska reer Buubaa, isagoo ka tacsiyadaynaya geeridii ku timi ALLE ha u naxariistee Marxuum C/Laahi Buubaa Hure Oo ku geeriyooday maanta Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa 05.08.2015
Marxuumka C/laahi Buubaa Hure ayaa ka mid ahaa odayaasha caanka ah ee reer Somaliland,waxaana maalinta beri ah sagaalka subax nimo aas-qaran loogu samayn doonaa marxuumka degaanka Uubaa-leh.
Md. C/raxmaan Cirro ayaa sidoo kalena wuxuu tacsi taas lamid ah u dirayaa Eheladii, Asxaabtii, Qarabadii iyo Qoyskii Reer Buubaa Ee uu ka baxay marxuum C/Laahi Buubaa Hure oo maanta ku geeriyooday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa 05, 08, 2015
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu Illaahay uga baryeyaa inuu janatul Fardawsana ka waraabiyo, Ehelkii , Qaraabadii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland-na uu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Amiin Amiin.
Innaa-Lillaahi Wa Innaa-Illeyhi Raajicuun.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani.
Muj.Boobe Yuusuf Ducaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>