Guddoomiye Cirro Oo Odayaal Reer Hargeysa Ah Booqday + Ilaahayna Uga Baryay In Uu Caafimaad Sareecan Ah Siiyo -

Hargaysa: Duulnews)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, ahna guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa saaka saddex oday u dhashay Magaaladda Hargeysa ku booqday Goobo kala duwan oo ay u jiifaan xanuuno Asiibay.

Saddexdan oo Oday oo Kala ahaa Sheekh Cabdilaahi Diiriye (Sooraan), Cali Ducaale Seed (Cali Madoobe) iyo Maxamed jaamac caraale ( Eng Caraale) oo xanuuno u kala yaala Cusbitaalka Hargeisa neurology iyo xaafadahooda oo degmada axmed dhagax ah.

 

Ugu horeyn Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa Booqashadiisa ka bilaabay Cusbitaalka Hargeisa Neurology oo uu yaalo rabbi Caafimaad Sareecan ah

 

 

 

 

ha siiyee Sheekh Cabdilaahi Diiriye (Sooraan) oo todobaadyadii ugu dambeeyay xanuun u jiifay.

 

Markii uu cabdiraxmaan Cirro soo dhamaystay booqashadaas uu ugu tagay Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan, waxa uu isagana u tagay oo uu soo booqday Maxamed jaamac caraale ( Eng Caraale).

 

Waxa uu ilaahay uga baryay in uu caafimaad siiyo, sidoo kale Maxamed jaamac caraale ( Eng Caraale) ayaa uga mahad celiyay booqashadaasi, waxaanu tilmaamay in ay farxad gelisay.

 

Intaas ka dib ayaa waxa uu isagana gurigiisa oo ku Yaala isla Degmada Axmed Dhagax ku booqday Oday Cali Ducaale Seed (Cali Madoobe).

 

Cali ayaa soo dhaweeyay booqashada Guddoomiye Cirro, waxaanu xusay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ugu yimid.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa dhamaanba odayadaasi uu soo eegay ilaahay uga baryay in uu caafimaad sareecan ah siiyo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>