Gudoomiyaha Gudi-Hoosaadka Deegaanka Iyo Khayraadka Dabiicaga Ah Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Dayriyay Xaalada Deegaan Ee Dalka

Gaani(Duulnews)-Guddoomiyaha Khayraadka Ee Gudi Hoosaadka Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil(Gaani) Ayaa ka hadlay Abaaro Adag oo saamayn ku yeeshay Noloshii Miyigi.

 

waxa uu sheegay in Ceelashii Biyahu Dhamaan Ku dhaw yihiin in Ay gudhaan Qaarkoodna Qalaleenba.

 

Guddoomiyahu waxa uu sheegay in Gurmada Dag-dag Ah xukuumada looga fadhiyo In ay la Soo gaadho Dadka Miyigi Jooga Iyaga iyo Xoolahaba,Waxana ay ka qabato Sixirka Dollarka oo Maceeshadii Saamayn Adag ku yeeshay.

 

“Sixir Bararkan Hadheeyay Bulshadii waxa uu keenay in ay Nolashu Gasho Meel Adag,waxaana ugu wacan Lacaga La kordhinayo een Dadkan waxba loogu qabanayn ayaa keentay, dadka Markaad Eegto noloshoodu waa

 

 

 

 

40% waxba kama hoosayso,Xukuumadan iyadu isku Mash-quulsan ilaa Hada Waxba kamay Badali Sixirka Cirka isku shareeray ee sahayday Dadkii Danyarta Ahaa.

 

Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.”Miyiga oo isaguna Ladnaa ayaa waxa haysa Abaartii ugu Xumayd,waad Arkayseen Gobolada Bari Ceelashii Aan waligood Go’in oo La sheegayo in Ay qalaleen,waxaanan leeyahay Xukuumadana waxba kama Soo jeedaan Haay’addaha iyo Shacabka Somaliland waa in ay is kaalmeeyaan una Gurmadaan Shacabkooda Abaarahu Haystaan.

 

waxa uu sheegay in Adhigii iyagoogu Noloshii ay ku Noolaan Lahayeen Ku jirto Qirin Qiir,Madaama oo Dhulkii Siigo Mooyaane Aan Baad iyo Biyo Kale Laga helayn.

 

“Sixirka Cirka Maraya waxa sababtay Xukuumada Markii Ay Cashuurahii Bilaa Xisaabta ahaa iyo Aqoon La’aanta Ay ku Maamushay,Maanta Miyi oo kaliya Abaari Kama jirto ilaa magaaladii ayaa ay ka jirtaa waxaas oo dhan masuuliyadeeda waxa iska leh xukuumada oon waxa ay kaga gashaamato aan meelna dhigan ilaa hadana muudh ku jirta shacabkeedana Aan war u hayn waxa ay miyi iyo magaalo ku sugan yihiin.

 

Xildhibaan Siciid Gaani waxa uu sheegay in Dhulkii Qalalay Siigo Cas mooyaane Aan Wax kale loogu tagay,kaas oo Adhigii ku jiraan Nolol Cidhiidhi Ah oo u baahan bulshadu in ay iska kaashato siday u wajihi lahayd iyada oo wada jir ah.

 

Xukuumadan Maanta talada dalkuna gacanta ugu jirto waxa uu ku macneeyay inaanay warba u hayn Bulshadeeda Sixir Bararka iyo Abaaraha biyo la’aaneed iskugu darsameen oo gurmada caalami ah u baahan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>