Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya,Durayna Isku Shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo

Faysal(Duulnews)-Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweynaha Somalia ku Eedeeyay inaanay dhab ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somalia ee wakhtigan Turkiga labada wefti u joogaan. Waxa uu sidoo kale Weftiga Xukumadda Somaliland halkaasi u dirtay ku eedeeyay inaanay ahayn kuwo Ajande cad iyo Qorshe hufan meesha la tagay.

“In la wada hadlaa way fiican tahay oo qaddiyaddu waa qaddiyad ina dhex taala laakiin, waxaan ka xumay in ilaa markii Xukumaddan Xasan Sheekh timid sidii Wada hadaladu ku bileemeen ee Dawladdii kumeel gaadhka ahayd iyo Somaliland ku heshiiyeen uu markasta doonayo inuu arrintii ka duwo oo aad moodo inuu wato ajande kale oo aan xataa madaxda kale ee Somalia aanay la qabin, Kuwayagana waxaad moodaa inaanay bilawgii kadib ajande iyo qorshe lahayn oo shir baanu ka qayb galay wax u dheeri aanu jirin” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe Oo Isagoo socdaal ku maraya wadamada Yurub telefoonka ugu waramay BBC-da.

Eng Faysal waxa uu intaasi taaciyay “Waxaad moodaa Somaliland oo qaran dhawr iyo labaatan sanno jiray ah oo saaxadda sidii 1960-kii lagu soo celiyay oo wada hadaladu ku salaysan yihiin sidii laba dal oo kala madaxbanaan oo wada hadlaya oo sidii 60-kii laba maamul oo kala duwan leh ayuu Xasan Sheekh doonayaa inuu curyaamiyo, qoladayaduna qorshe iyo siyaasad iyo wada tashi ma leh, markaa waxaanu isla garanay wadamada reer galbeedka ee aan marayo inaanay wada hadaladaasi meelna ku socon oo ay Madadaalo yihiin, walibana aanay qolada Somalia ka go’nayn siiba Madaxweynaha Somalia”.

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in hore loogu heshiiyay in Siiqada labada dhinac loo dhigo Dawladda Somalia iyo Dawladda Somaliland balse haatan laga dhigay dawladda federalka Somalia iyo Maamul Goboleedka Somaliland oo wada hadlaya, arrintaasina aanay macquul ahayn.

Gudoomiyaha Ucid waxa uu sidoo kale dhaliilay isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo sameeyay isagoo Aragtidiisa isku shaandhaynta ka hadlayana waxa uu yidhi “Dee waxa weeye Kadar oo dibi dhal.dawladdan wakhtigeedii wuu dhamaaday oo 3 Bilood baa uga hadhay,waxaanan ka shiraynaa sidii dawlad wadaag ah doorashooyinka qabta loo samayn lahaa ee Xukumaddan Kulmiye ku abtirsataa meesha uga bixi lahayd laakiin,sidii dib loogu cusboonaysiiyay ayuu dawlad cusub dhisay waxaanan arkaa inaanay waxaasi wax ka soconaya ahayn, Khilaaf gudahooda ahna way keenaysaa, mid guudna way keenaysaa oo wax la aqbali karo maaha.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>