Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Beeniyay Inuu Kulan La Qaatay Madaxda Somaliya,Lana Kulmay Ardayda Reer Somaliland Ee Waxkabarata Dalka Turkiga.

Tur(Duulnews)-Gudomiyaha Ardayda Somaliland Ee Magaalada Ankara Ee Dalka Turkega Iyo Xubno Ay Wehelinayan Ayaa Safar Booqasho Ah Ugu Tagey Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani Mudane Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi Ciro Oo Dagan Hotel Holliday OO Ku Yaala Badhtamaha Magaalada Ankara.

Gudoomiyaha Iyo Ardeyda Rer Somaliland Ee Magaalada Ankra Ayaa Waxaa Ay Iska Wareysteen Arimo Badan Oo Ku Saabsan Xaalada Waxbarasho Ee Ardayda Reer Somaliland Ee Dalkan Wax Ka Barta Sidoo Kalna Waxaa Uu Gudoomiyuhu Uu Ardeyda Uga Warbixiyey Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka Somaliland   Wakhtigan Maraayo

Is Wareysi Dheer Ka Dib Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Isla Markaana Ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Waxaa Uu

Ardeyda Uga Xog Warmay Sababta Uu Dalkan Turkeyga U Yimi Oo Ay Ugu Wayneeyd Xaalad Caafimaad Oo Isaga Ugaar Ah

Sidoo Kale Waxaa Uu Gudoomiyuhu Intaas Ku Daray In Uu Ka Soo Duulay Dalka Itoobiya Isla Markaa Uu Transit Ku Ahaa Magalada Istanbul Isla Markaa Uu Habeen Qudha U Hoyday Subixiina Uu Usoo Ambobaxay Magaalada Ankara Si Uu U La Kulmo Dhakhtarkii Uu U Socday.

Gudoomiye Ciro Ayaa Waxaa Uu Meesha Ka Saaray Haba Yaraatee Inay Jirto Wax Kullana Ama Xidhiidha Oo Uu La Sameyey Cid Ka Socota Dawlada Somaliya Isla Markaa Aanay Jirin Arday Rer Somaliland Ah Oo Uu Ka Dhuuntay Ee Ardaydu Yimaadeen Hotelka Xili Uu Ka Maqnaa.

Isaga Oo Gudoomiyihu Arintani Ka Hadlaya Ayaa Waxaa Uu Yidhi “ Wararka Ay Iga Qoreen Qaar Ka Mid Ah Warbaahintu Waxan U Arkaa Wax Caadiya Madaama Oo Aan Ahay Siyaasi Maalin Kasta Way Dhacdaa In Intaas Oo Been Abuur Oo Ay Qoraan Dad Sheeganaya Saxafiyiin Ama Dad Kale, Laakiin Ma Fiicna In Qof Lagu Eedeeyo Wax Aanu Shaqo Ku Lahayn Qof Kasta Oo Wax Qorayaana Waa In Uu Hubiyo Waxa Uu Qoraayo Inuu Yahay Wax Ku Salaysan Xaqiida” Ayuu Yidhi .

 

Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Ayaa Waxaa Uu Ardeyda Rer Somaliland Ee Joogta Dalka Turkiga Uu Ku Waaniyey Inay Ka Fogaadaan Dhamaan Sifooyinka Xun Xun.

 

Gabo Gabadii Kulankaas Waxa Uu Gudoomiye Cabdirahman Ciro Ku Soo Koobay In Ay Ardaydu Tahay Mustaqbalka Barito Ee Dalka Iyo Dadkuba Sugaayan   Loona Bahan Yahay In Ay Ka Fogaadaan Wax Kasta Oo Horumarkooda Waxbarasho Dib Udhigaya Isla Markaana La Yimadaan Fikir Iyo Qorshe Lagu Horumariyo Dalkeena Hooyo Oo U Baahan Dad Karti Iyo Aqoon Leh Oo Dadkan Iyo Dalkan U Horseeda Horumar Iyo Barwaaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>