Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta dalka ku soo laabtay ka dib in mudo ah oo dalka dibadiisa ku maqnaa.

Hargaysa: (DUULNEWS)-Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbigaasi.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay ayaa ka waramay socdaalkii uu ku maqnaa iyo arimaha doorashooyinka ee dalka taagan.

Ugu horayn gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka war bixinaya socdaalkiisii dalka Jarmalka ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaan ka soo noqday dalka jarmalka halkaas oo aan aniga iyo wasiirka qorshayntu kaga qayb galnay shir caalami ah oo ay ka soo qayb galeen 64 dal kaas oo ku saabsanaa sidii nabad loogu wada noolaan lahaa, waxaanan la kulanay hay’ado ka tirsan wadanka Jarmalka iyo shirkado doonaya inay maal gashadaan somaliland, 23-ka Septenber-na waxa dhici doona shir la yidhaa German Somaliland Trade and Bussines Form kaas oo ay iskugu iman doonaan ilaa 50 shirkadood oo wadankaas ah, jarmalkuna waa dalka ugu dhaqaalaha badan qaarada yurub aadna waxa uu xiisaynayaa inuu Afrika uu ku yeesho cudud badan , waxaanan rajaynayaa inuu noqda wadamada yurub inooga calaamadsan ee aynu doonayno inaynu gacan kala yeelano dhinaca dhaqaalaha iyo ictiraafka,Dubai ayaan soo maray waxaanan kula soo kulmay dad ka soo jeeda Laas caanood iyo Boorame kuwaas oo aad uga warwarsan waxyaalaha ka dhacaya goboladaas, talooyina waan ka soo qaaday.” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu haatan dalku ku sugan yahay, waxaanu sheegay inay muhiim tahay in la hir geliyo heshiiska sadexda xisbi wada gaadheen waxaanu yidhi “Somaliland maanta arimo badan ayaa hor yaala waxaana loo baahan yahay in si wada jir ah looga wada tashado, hadii aan arimahaas la dhamayna waxaan filayaa in mustaqbalka somaliland aanu qurux badnaanayn, waxaynu ognahay inay sadexda xisbi heshiis gaadheen waana in la hir geliyaa, madaxweyne ku xigeenkuna wuu nala saxeexay taas macnaheeduna waa waxa weeyaan inay dawladuna ku jirto haddii aanay kala socon madaxweynaha iyo ku xigeenku laakiin waxaan filayaa inay dawladu ka midaysan tahay rayigaas.”

 

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Aduunka sharci ayaa jira wixii lagu murmo, maxkamad dastuuri ah ayaa jirta mana ah in ilaa maanta arintaas la sugo, doorashadiina way laalan tahay waxaanay ahayd in la dhaqaajiyo talaabada ay gaadheen sadexda xisbi, guurtida waanu ixtiraamaynaa laakiin waxa noo muuqata inaanay meesha oolin sababaha ay wax u kordhinaysaa, markaa waxa sharciya wixii ay ku heshiiyeen hay’addaha ay khusayso arintani.”

 

 

 

Faysal Cali Waraabe waxa uu ka jawaabay hadalkii madaxweynaha ee ahaa in lagu kala soconayo sharciga dalka u yaala waxaanu yidhi “Waxa loo baahan yahay in sanad iyo lixdaas bilood hawlo badan la qabto waxaana ugu horaysa in dawlad la sameeyo maadaama oo dawladan wakhtigu ka dhamaanayo 26-ka June, madaxweynuhuna wuxuu yidhi dalku sharci ayuu leeyahay waana runtii oo sharci ayuu leeyahay mana aha wixii isaga taabanaya inuu ka boodo wixii kalana sheego, sharcigu waxa uu leeyahay madaxweynuhu shan sano ayaa la dhaariyey shantaasina way dhamaadeen.”

 

Sidoo kale waxa uu ka waramay waxyaalaha ay qaban doonto dawlada midnimada qaran ah ee ay damacsan yihiin in la dhiso waxaanu yidhi “Iimika wixii ka danbeeya waxa loo baahan yahay in dawlad midnimo qaran ah la dhiso oo ka shaqaysa sidii diwaan gelin fiican loo samayn lahaa, sidii sharciyada doorashooyinka loo samayn lahaa, sidii ay guddida doorashooyinku dib ugu eegi lahaayeen goobaha cod bixinta oo lix sano horteed la sameeyey iyada oo magaalooyinkii kordheen markii horena aanu u arkaynay inaanay si cadaalad ah u samaysnayn meelana la buuxiyey meelana la yareeyey, waxa loo bahan yahay in guddida doorashooyinka shaqadooda gacan lagu siiyo, waxa loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka oo qodob qodob laysku dul taagaa lana eegaa intii aynu wadnay wixii xumaaday ee aynu ku kala bixi waynay, waxa loo baahan yahay in arimaha galbeedka iyo bariga si dhab ah loo soo afjaro.”

 

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa intaas raaciyey “Waxa kale oo loo baahan yahay in laga tashado kuraasta baarlamaanka, doorkii ay sadexda xisbi qaybiyeen waxa loogu tala galay in mar kaliya lagu galo doorashada, gobolo badan ayaana diidan in sidaas lagu galo waana in arintaas laga fadhiisto, waxa kale oo loo baahan yahay in wada hadalka somaliya la joojiyo maadaama oo aanay muqdisho dawladi ka dhisnayn.”

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>