Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Maanta Tababar U Furay Garabka Haweeenka Heer Qaran Ee Xisbigaasi

IMG_4444(Duulnews)-Garabka Haweenka heer qaran ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa maanta waxa Magaaladda Hargaysa uga furmay kulan hal maalinn qaatay oo casharo tababar ah lagu siinayay xubnaha hogaanka garabka haweenka ee heer qaran.

Tababarkan,oo uu si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarad ah ee WADDANI, MD. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa tababar-qaatayaasha la barayay casharo la xidhiidha doorka Siyaasadda haweenka ee Xisbiga,nidaamka shaqo kala qeybsi iyo aafadda qabyaaladda iyo ka dheeraanteedda.

Ugu horayn,waxa halkaasi hadalay ka jeedisay gudoomiyaha garabka haweenka heer Qaran ee Xisbiga WADDANI, Marwo;

Ifraax Cumar Xasan,waxaanay ugu baaqday xubnaha maanta tababarka qaadanaya inay ka faa’iidaystaan fursadaas la siiyay,iyada oo ILAAHAY uga bariday inuu u fududeeyo xilka culus ee umadda iyo Xisbigaba u qaadeen “ 29 March, waxa la doortay hogaanka garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI,tiradoonuna waxay ahayd 17 Xubnood,waxaana loo kala Magacaabay Xilal kala duwan,maantana halkan waxaynu iskugu nimid inaynu u qabano garabkii Haweenka Tababar ku saabsan Siyaasadda iyo doorka ay Haweenku leeyihiin Xisbiga WADDANI.waxaanuna rajaynaynaa Xilkaas culus ee aanu Xisbiga u qaadnay in ILAAHAY nagu asturo. Sidii ay ahaydna aanu uga soo baxno” ayay tidhi marwo Ifraax

Waxaana si rasmi ah tababaarkas u furay gudoomiyaha golaha wakiiladda ahna gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,isaga oo gdoomiyihu ka dhawaajiyay shir caalami ah oo lagu marti qaaday garabka haweenka ee Xisbiga iyo cidday u xuleen inay matasho “ Garabka haweenka Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI,oo uu uga furmayo maanta halkan tababarkii ugu horeeyay,waana uu u furan yahay Tababarkii,habka uu u soconayaana,waa habkaas ay ay kala horeeyaan qeybaha tababarku. Waxaan hanbalyo u dirayaa garabka haweenka heer qaran ee Xisbiga WADDANI,oo ah garabkii ugu horeeyay ee ay Axsaabtu samaystaan.dedaalka ay sameeyeena aad baan uga mahad naqayaa.maanta waxay soo gaadheen in is-abaabulkii iyo shaqaddii qeybiyaan,oo tababar ku qaataan,oo heerka Siyaasadda iyo doorka ay haweenku ku leeyihiin ka doodaan,waxaanan u sheegayaa garabka inay heleen oo soo gaadhay Xisbiga marti-qaadkii ugu horeeyay ee heer Caalami ee garabka haweenka Xisbiga,waxaana lagu marti qaaday Garabka Haweenka Dalka Jarmalka,waxaanuna u wakiilanay inay ka qeyb gasho Faadumo Siciid,oo safar dibadda ah ku maqan.shairkaasina waxa uu dhacayaa bisha Lixaad ee sanadkan”. Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Si kastaba ha ahaatee,arrintan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee Xisbi Siyaasadeed Somaliland ka jiraa uu samayeeyo talaaban noocan ah,oo aqoon-korodhadhsi lagu siinayo garabyadda kala duwan ee Xisbigooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>