Gudoomiye Cirro Oo Shacbiga Boorama Kala Quraacday Meherad

OOOOO(Duulnews)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Muumin Seed  oo ay weheliyaan madax kale oo Waddani ka tirsan ayaa saaka aroorti hore dadweynaha reer boorama kala quraacday Makhayad badhtamaha suuqa  Boorama ku taala.

 

Gudoomiye Cirro iyo weftigiisa ayaa shalay gaadhay Boorama, iyadoo ujeedada socdaalkooda lagu sheegay inay shacbiga kala qayb galaan Xuska 18-ka May ee shacbiga iyo Madaxdiisu maanta u dabaal degayso.

 

Gudoomiyaha iyo weftigiisa Meherada kala quraacday Shacabka ayaa u muuqata mid uu u muujinayo sida uu bulshada ugu dhex milmi karo, isagoo iskala mid dhigaya shacabka Somaliland, sidoo kale ay tahay arrin muujinaysa amaanka dal in Madaxda iyo Shacabkoodu wada isticmaalaan Meelaha la iskugu yimaado.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>