“Guurtida Cumaamaddii Baa Ka Dhacday..” Jamaal Cali Xuseen

Jaamal(Duulnews)-Musharaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa si adag u naqdiyay go’aanka guurtidu muddada labada sannadood ku dhaw ugu kordhisay Xukumadda iyo Wakiilada. Waxa uu dhaliilay gudoomiyaha guurtida oo uu sheegay inuu Xukumaddihii hore ka soo horjeedi jiray balse Xukumaddan adeecsan yahay.

 

“Guurtidii Cumaamada ayaa ka dhacday. Guurtida waxaa loo igmaday inay nabadgalyada dalka ka shaqayso, qodobka ay Muddo kordhinta u adeegsadeena waxay yidhaahdeen nabadgalyada bariga ayaan fiicnayn, waxaanan u sheegayaa inay xilkoodii ku fashilmeen. Waxay ahayd in guurtidu ka shaqayso Gobolada bariga oo muddo 5 sannadood ah laga soo qaylinayay, waliba Saleebaan oo Gudoomiyaha guurtida ah ayaa la doonayay inuu ka hawl galo waa Goboladii uu ka soo jeedaye.Gudoomiyuhu inta badan dalka ma joogo laakiin waxaa laga doonayay inuu arrimahaas ka shaqeeyo waana ayaan darro in nabaddii aynu doonaynay inaynu Somaliland ku iibino la yidhaa amni darro ayaa jirta. Saleebaan waxay ahayd inuu iscasilo waayo Madaxda caalamku markay fashilanto way iscasilaan,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Musharaxa Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Guurtidu 23 sannadood ayay sharci darro dalka ku soo xukumaysay, haddana waxay keentay inay sharci darro kale ugu kordhiso Xukumadda, guurtidu waxay samaysay muddo kordhin laba sannadood ah, waa sharci jabin oo dastuurkii ayay guurtidu ku tumatay”

 

Musharaxa Ucid ayaa sheegay in socdaalka uu dunida ku marayo su’aalo badan laga waydiinayo hanaanka dimuqraadiyadda, sharciga iyo amaanka oo Somaliland lagu majeeran jiray balse hadda laga dayrinayo. Waxa uu Gudoomiyaha guurtida xasuusiyay muddo kordhintii 2009 oo uu diidanaa isagoo ku doodayay in heshiiska asxaabta la dhawro balse hadda uu iska indho tiray heshiiskii wakhtiga Komishanku soo jeediyay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>