“Haasaawaha Hargeisa iyo Muqdisho: goobtu waa goobtii, guurtiduna waa tii uun”. M.Haaruun

Harun(Duulnews)-Nin ka mid ah waftiyada Soomaalida ah ee ka qayb galaaya wada xaajoodyada u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho ee haatan Turkiga ka socda, ayaa I soo wacay ka hor inta ayna diyaaradda korin, waxa uu na I waydiiyay hal su’aal. Waxa ay ahayd su’aal, marka si loo eego sahlan, oo

hadana adag hadii si kale loo fiiriyo. Dhab ahaan sidaas bay ahayd. Waxa uu yidhi – “Maxaad u malaynaysaa in ay hadaladii hore bilaa macnaha u ahaayeen, maxaad se is leedahay markan ha la yeelo, si kulankani uga macno duwanaado kuwii hore? Su’aal igu soo booday maa ahayn, ma se filaynin saacadaas. Wax yar baan aamusay, waxa aanan u celiyay hadal kooban. Waxa aan ku idhi, wada hadaladani bilaa macno ayay ahaayeen tan iyo bilawgii, ilaa haatan wax muujinaaya in ay macno yeelan doonaan na ma ogi. Sababta ama sababaha micno tiraaya shirarkan hadii la darso, la fahmo, ka dib na la isku dayo in laga gudbo, waxa ay ila tahay in ay wax uuni ka soo bixi lahaayeen.

U fiirso – labada dhinac ba cilad isku mid ah oo ay wadaagaan baa jirta, ciladaha qaarkood na, dhinacyada qaarkood baa la gooni ah. Sida aan kol kastaba aragno, Soomaalida shirarka imanaysaa, gees kastaba ha ka yimaadeen, ma soo diyaar garoobaan. Haa, waxan u jeedaa ma soo diyaar garoobaan. Malin ama maalmo ka hor uun baa la yidhaahaa, hebel iyo hebello kale ha baxeen. Mararka qaarkood qof waftiga ka mid ah ayaa ogaada uun 24 saacadood ka hor in shir uu tagaayo. Sidoo kale, gudiyo rasmi ah, oo xog-ogaal ah, oo wada hadalada uga qayb gala labada dhinac ma jiraan. Waxa la arkaa mar kastaba, wajiyo cusub oo aan wax hore la soconin. Xaajo nimaan ogayni, indhaha ayuu ka ridaa. Soomaalida ayaa sidaas ku maahmaahda, waana hadal micno weyn leh. Diyaar garaw xumadaasi waxa ay keentay, oo dhab ah, in aanu labada dhinac midkoodna lahayn wax qorshe ah (negociation strategy) oo wada xaajoodyadan ku saabsan. Labada dhinac midkoodna ma qeexin, waxa ugu yare e uu aqbali karo, waxa uu wada xaajood ka gali karo ama aanu ka gali Karin, iyo waxa ugu badan ama ugu sareeya ee uu bixin karo toona. Taasi waa cilad farsamo, ama talo-xumo uun dheh. Wax kale oo aan ku sheego ma kasaayo.

Geesta kale, tusaale ahaan, waftiga Hargeysa ka yimaadda ama ka iman jiray, cilad gooni u ah baa haysata. Xaaladoodu la mid ma aha midda kooxda ay la kulmayaan. Waa laba xaaladood oo si kastaba u kala duwan. Kala duwanaanshaha midda ugu weyn, uguna muhiimsani, waa in dhinac oo gooni isu tag doonaayo, dhinaca kale na, uu midnimo doonaayo, tageero na uga haysto caalamka mawqifkiisaas. Qolada Hargeysa waa ay ogyihiin, waliba si dhab ah, in aanay kooxda Muqdisho ka timaadaa odhanaynin, marnaba, waan ogolnahay kala tagista ee nabadgalyo. Sidoo kale, waxa ay ogyihiin, mawqifka wadanka lagu shiraayo ee ku saabsan midnimada ama kala tagista. Waa laba xaqiiqo oo aan qofna ka qarsoonayn, qof aan doonaynin xaaqiiqada mooyee. Hadii xataa shacabka qaarkii ay ka qarsoontahay, marnaba kama qarsoona qolada hogaanka ah, mucaarid iyo muxaafidba. Qolada Hargeysa duruufta noocaas ah iyaka oo maanka ku haya, oo dood cusub wada ma imanayaan, hadiiba ay dood cusub keenaan, amaba ay shirka ka dhalato na, Hargeysa ma kula noqon doonaan, hadii ay kula noqdaan na, ma soo ban-dhigi doonaan. Mishkiladda ugu weyni, aniga sida ay ila tahay, taas weeyaan. Isla taas weeyaan sababta aanay shirarkii hore micno u yeelanin, waana isla iyadii uun midda meeshii taalaa. Raggu waa raggii uun, dooddu na waa tii uun, meeshu na waa meeshii uun. Waxa suurowda, amaba saansaanteedu muuqataa, in la iskuba mari waayo waxyaabo aan asalkii doodda ahayn, oo ay ka mid tahay, shakhsiyaadka wada-xaajoodka ka qayb galayaa waa kuwee? Waxa ay ahayd cid kasta oo awood ay ku xaajooto wadata, go’aan na qaadan kartaba in lala xaajoodo.

Waxa la is waydiin karaa – oo maxaa laga wada hadlayaa, amaba shirarka loo soo aadayaa hadii ay sidaas tahay? Dad kala duwan, ayaa jawaabo kala duwan ka bixiya su’aashaas. Dadka qaarkii baa yidhaahda, bulshada calamka ayaan laga hor iman Karin; mucaawinooyinka kala duwan qaarkood baa arintan ku xidhan; iwm. Waxa ay se aniga ila tahay, iyada oo kooban, in ay sababtu tahay uun nacasnimo. Iyada oo fahfaahsan na, shaqo kasta oo aanad wixii laga doonaayay ka keenaynin, in aad dhex gasho ma aha fariidnimo. Waxa ay ahayd, hor iyo horaanba, in xaaladda la darso, duruufta guud ee jirta na lagu xisaabtamo, ka dib na la go’aansado in dhab ahaan hadalo la galo, iyo waxa hadalka lagu galaayo ba. Hadii aanay taasi dhicin, waa gacmo daalis uun. Way wacnayd in ay Somaliland hadaladan aqbashay, waanan ku boogaadiyay marar badan hoganka Somaliland, laakiin mishkiladda ah, horta maxaynu rabnaa, duruuf noocee ah baa se nah hor taagan baan marnaba la is waydiinin. Kobtaas weeyaan, aniga sida ay ila tahay, halka kudku fadhiyaa.

Qalinka: Maxamed Haaruun.
Email: mbiixi@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>