“Haddii Madaxweynuhu 26-ka June Ka Hor Hirgalin Waayo Heshiiskii, Waxaanu U Qaadan In Guurtida Iyo Madaxweynuhu Isla Ogyihiin, Waxaanay nagu Kallifaysaa..”Musharaxa Ucid

(Duulnews)-Musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa ayaa sheegay in haddii Madaxweyne Siilaanyo hirgalin waayo heshiiskii asxaabta iyo xukumadda ee ahaa in doorashada la qabto badhtamaha December 2016 ay u arkayaan in guurtida iyo Xukumaddu isla ogyihiin inaan doorashada wakhtigaas la qaban, sidaas darteedna aanu mucaaradku xukumadda aqoonsan doonin wixii 26-ka June ka dambeeya.

Musharax Jamaal oo jaaliyadda Somaliland munaasibad soo dhaweyn ah ugu samaysay magaalada Dubai ee xarunta Imaaraadka carabta ayaa yidhi “Waxaad ogtihiin xukumadda wakhtiga loo kordhiyay, waxa loogu kordhiyayna aanu ahayn wax xaqiiq ah oo jira ayaa haddana lagu kari laayahay heshiiskii wakhtiga laguugu kordhiyay ee aynu galay saxeex, oo madaxweynuhu uu qaadan laayahay hogaamin iyo inuu ku dhawaaqo xilliga doorashada. Waa ayaan darro inaynu xilligaa marayno, waxaana 26 June ka hadhay wakhti aad u yar,” ayuu yidhi Musharax Jamaal.

Musharaxa oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anagu waxaanu ku baaqaynaa oo aanu sheegaynaa, in haddii inta aan la gaadhin 26 June Madaxweynuhu heshiiskii Xisbiyada qaranka u hogaansamin, waxaanu u qaadanaynaa in madaxweynaha iyo guurtidu hoosta iskaga daloolaan oo arrinkan isla ogyihiin. Talaabo adag baanu ka qaadi oo waxay nagu kallifi inaanan madaxweynaha aqoonsan marka la gaadho 26 june waana baaq aanu dirayno oo adag. Waxaynu ubaahan nahay dawlad doonaysa doorasho oo dalka ku soo dabaasha hanaankii dimuqraadiyadda ee ay inoo dhiseen dawladdihii ka horeeyay”

Mudane Jamaal Cali Xuseen, waxa uu sidoo kale guurtida ku canaantay siday u hor istaageen heshiiska Asxaabta iyo Xukumadda “Runtii waxaa wax laga xumaado ah in guurtidii ay ahayd inay guurti inoo noqoto oo iyadu dadka kala badbaadiso, inaanay guurtinimadii ku shaqaynayn oo wixii dadku ku heshiiyay ay carqaladaynayso,taasina waxaanu u arkaynaa in xukumaddu hoosta uga daloosho iyaduna ay afka ka xidhatay” ayuu yidhi Mr Jamaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>