“ Haddii Sidaas Lagu Sii Jiro,Waxaanu Samaysan Doonaa Madaar Noo Gaar Ah”. Wasiir Zamzam

zam(Duulnews)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland,Zamzam Cabdi Aadan,ayaa sheegtay inay Madaar cusub ay ka binayn doonto Waqooyiga Magaaladda Hargaysa,kaas oo ay tilmaamtay inay yeelan doonto Xaafadda ay kasoo jeedo Waqooyiga Iyo Galbeedka Magaaladda Hargaysa.

Wasiirka,ayaa hadalkan kaga tiraabtay gudaha Madaarka Caalamiga ah ee Magaaladda Hargaysa,maalintii Isniinta,wakhtigaas oo uu Madaarka kasoo degayay Sheekh Aadan Siirro,oo mudooyinkii ugu danbeeyay Xaalad Caafimaad ugu maqnaa Wadamadda Dibadda. Sida ay goob-joogayaal dhacdan ugubka ah xaadir u ahaa u sheegeen Saxaafadda,Wasiirka ayaa dalbatay inay Gudaha hore ee Madaarka,gaar ahaana qeybaha loogu talo-galay Madaxda ka dhoofaysa,ama kasoo degaysa Madaarka ay galaan koox dhalinyaro ah oo ay wadatay,balse ay hawl-wadeenadda Madaarku u sheegeen inay jiraan goobo loo asteeyay dadka sugaya rakaabka soo degaya iyo kuwa dhoofayaba,isla markaana ay halkaas dhalinyaraddu tagaan,waxayse taasi u qudh-quudhsami weyday Wasiir Zamzam,waxaanay si qaawan u af-lagaadaysay Beelaha degga Xaafadda uu Madaarku ku yaalo iyo Beesha uu kasoo jeedo Madaxweyne Siilaanyo.waxay ku andacoodatay Zamzam, inay inay beel ahaan iyagu yihiin cidda ugu mudan Beelaha Somaliland,isla markaana ayna gayin in laga hor-istaago Madaarka Magaaladda Hargaysa.

Dhinaca kalena,waxa warar logu kalsoon yahay sheegayaan inay Wasiirku Xafladdi soo dhawaynta ee Sheekh Adan Siirro iyo Duulaankii ay Xukuumaddu ku qaaday Xarumaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, oo isku maalin ku soo beegmay ay ku bixisay Lacago aad u farabadan,xilli ay maalin ka dib Saldhigga dhexe ee Magaaladda ku gurto Shaqaalihii Diwaangalinta oo Xuquuqdii shaqaalanimo ka dalbaday Wasiirka Maaliyadda,kuwaas oo iyaga iyo koox Wariyaalaba laga qab-qabatay Xarunta Baarlamaanka Somaliland horteeda,iyada wakhtigaas Wasiirku shir kula jirtay Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda.

Dhacdan,ayaa ku soo beegmaysa xilli qeybaha Bushadda reer Somaliland si weyn uga ammakaag-sanyihiin afcaasha taban,isla markaana dhaawaca ku ah Sunnaha Dawlanimo ee wakhtiyaddan danbe kasoo fulaya Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>