“HADII AAN XAL LA’AAN LA DOONAYN XAL WUU JIRAA” Cali Guray

Gurey(Duulnews)-Iyaga iyo Allahooda eh waxay warbaahinta maxaliga ihi sheegayeen in shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiistii ina dhaaftay uu ahaa shir ka duwanaa shirarkii caadiga ahaa ee goluhu yeelan jiray. Sida la yidhi waxa gudoominayay Madaxwanaha laftiisa oo heer kul kiisu markii ugu horeeysay

tobanka dhaafay halkii markii hore uu ka ahaan jiray EBER ama ka hoosayn jirayba. Xumadda odayga waxa markan kiciyay waxa ugu muhiimsanaa laba ama sedex arin . Arinka kobaad waa werwer iyo walaac ay bulshada caalamku, gaar ahaan daneeyayaasha Somaliland ka caawiyaka dhinaca dimuqraadiyadayntu ka miijiyeen doorashooyikii mudaysnaa inay qabsoomaan 26 June sanadkan oo u muuqday inay fashileen, sababtana ay ogyihiin in loo nisbayn karo Madaxaynaha, xukuumadiisa iyo Xildhibaanada Wakiilada ee sheegta inay yihiin muxaafid taageersan kana tarjuma yaan siyaasadda Madaxwayne Silanyo
Hadii wax yar aynu dib u noqono qaadhaan bixiyayaasha ugu muhiimsan ee Somaliland ka taageera dhinaca dimuqraadiyadaynta iyo weliba dhinaca nabadgelyada oo Dawladda Ingiriisku ay kow ka tahay waxay muddo ka badan laba sanadood isku taxalujinayeen in ay ku qanciyaan Madaxwayne Silanyo in sanadka 2015ka gudihiisa ay doorashadu si xor iyo xalaal ah ugu qabsoonto iyaga oo kor iyo hoosba ula hadlayay oo marar badana ugu celceliyay. Ugu dambaystiina waxay gaadheen inay si cad Madaxwaynaha iyo xukuumadiisa ugu sheegaan hadii ay doorashadu sanadkan gudihiisa ku qabsoomi waydo in indhaha bulashada caalmku u jeedinayso indhaha dhinca Somalia iyo doorashooyinka mudaysan in laga hirgeliyo hadii Alleh yidhaa kal dambe oo markaa aanay danayn doonin gebi ahaanba doorashooyinka Somaliland. Taas oo jawaabta madaxwaynuhu ahayd, mar walba, balan qaadyo af iyo qoraal ah lakiin aan wax ficil ah oo run ah wadan uu ugu xaqiijinayay qaadhaan bixiye yaasha inay ka go’an tahay in inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan.
Waxa nasiib darro ahayd in intii uu madaxwaynuhu sidaa lahaa hadana inta isaga ugu dhaw dhawna ay sida kale u shaqaynayeen iyaga oo aan qarsanayn ee weliba qalinkiisa iyo awoodihiisa adeeg sanayay Waxa nasiib darro ah in madaxaynuhu qalinkiisa iskaga hiiliyo shacbigiisana kaga hiiliyo isaga oo mar walba ugu hiiliya shakhsiyaad ka ag dhaw dhaw oo iyagu danahooda u gaarka ah uun u guntan. Taas oo sababteeda aan la wada fahmi Karin inta fahmi kartaana ay dhif iyo nadir tahay, yihhina inta ugu werwerka badan ilayn wax aan lala arkeyn bay keligood arkayaane. Runtiina xaaladda Somaliland iyo marxaladda dalku marayo waxa ugu nasiib badan inta aan wax badan ogayn ama danahooda gaarka ah iskaga mashquulsan een wax kale war u haynin.
Qoraalkan Madaxwaynaha ka soo gaadhay dhinaca qaadhaan bixiyayaashu hadii uu jiro waxay arkeen in sidii ay donoayeen madaxwaynahana ay isku ogaayeen aanay suurtogal ahayn, doorashaduna iska daa wakhtigeedii eh aanay suurtogal ahayn xataa dhamaadka sanadkan. Sidaa daraadeedna ay masuuliyadii oo dhan u soo wada riixeen dhinaca Somaliland iyo Madaxwaynaheeda Axmed Maxamed Silanyo oo dabcan ay tahay inu dalka ku hogaamiyo talo midaysan oo loo dhan yahay muxaafid iyo mucaarid si loo qaban karo doorasho xor iyo xalaal ah wakhtiga ugu horeeya ey suurtogalka tahay iyada oon loo baahnayn in maalin keliya la lumiyo. Taas oo shardi u noqon karta in qaadhaan bixiyayaashu wixii ay hore u balan qaadeen sidoodii u bixiyaan hadii kale oo Somaliland aanay diyaar u ahayn doorashona markaa iyaguna ay yeeli karaan sidii kale ey ka fursan waayaan iyaga oo markan sidii ay hore ugu cadeeyeen Madaxwaynaha xaga Somalia dadaalkooda oo dhan isugu geyn doona Somalilandna aan wakhtigii ay siiyeen wakhti ka badan u heli doonin.
Arinka kale ayaa isaguna ah go’aanka adag ee ka soo yeedhay dhinaca mucaaridka iyaga oo ay hot kacayaan labada xisbi mucaarid iyo Madasha Wada Tashigu isugu tegay ISBAHAYSIGA MUCAARIDKA iyada oo ujeedadu tahay hadii doorasho la waayo 26ka June, talo qaran oo loo dhan yahay oo lagu meel marin karo dooraho xor iyo xalaal ahna la waayo, isla mar ahaan taasina muddo xileedkii Madaxwaynhu dhamaado iyada oo Wakiiladuna toban sanadood wakhtigoodu ku dhaw yahay hadana xataa aanay diyaarinin xeerkii lagu dooran lahaa gole cusub in markaa mucaaridku u midoobaan sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen marxaladda adag ee dalka ku soo fool leh, taas oo sida mucaaridku qabo lagaga gudbi karo talo midaysan oo loo wada dhan yahay hadii la helayo dhinacooda ay mar walba diyaar uyihiin hadiise la waayo oo xaalku kala tashi iyo la isu joojin maayo noqdo ay iyaguna markaa iyagoo midaysan dhankii kale ey arinka uga wareegi karaan iyo wixii dani tidhaa yeelaan.
Labada arin go’aanka Qaanka qaadhaan bixiyayaasha iyo kan mucaaridka ayaanay jirin dhinaca aragtida wax ay isku khilaafsan yihiin dhinaca doorashooyinka iyo carqaladaha marba loo dhigayay ee keenay in ay fashilaan oo aanay qabsoomi Karin wakhtigoodii iyo xataa cidda masuulka ka ah. Labadaa riddo ee mar ku wada kulmay madaxwaynaha ayaa hadana waxa u raacay khilaafkii ka dhashay isku shaan dhayntii xukuumadiisa oo ku noqday lama filaan markii uu xukuumadiisa si lama filaan ah uga baxay Wasiirkii hore ee maaliyadda ee hadana uu ku biiray Wasiirkii beerahu iyada oo warbaahintuna xubno kale magic yadooda wadwaday.
Gebogebadii waxay xoguhu tibaaxeen in Madaxwayne Silaanyo uu si cadho ku jirto ugu sheegay Golihiisa Wasiirada in aan loo baahanayn in loo jawaabo mucaaridka iyo in lala yoyotamo midna ee loo baahan yahay in loo helo jawaab qancisa iyaga iyo bulshada caalamka oo qoraalkii ay ii soo qoreen kan hortayda yaalo yahay. Ugu dambaystii wuxu ku soo af jaray kulankii in sidii caadada u ahayd uu guddi todoba xubnood ah u saaray si ay u soo diyaariyaan jawaab ay ku qanci karaan mucaaridka iyo qaadhaan bixiyayaashu waana looga fadhiya.
-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>