Halkan Ka Akhri Nuxurka War-Saxaafadeed Uu Guddoomiye Cirro Oo Xalay Soo Saaray

wad-cirro(Duulnews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarad Ka Ah Ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro,ayaa Caawa Soo Saaray War-murtiyeed uu kaga Dareen celinayo dhawaqii maanta ka soo yeedhay Xukuumadda Siilaanyo,kaas oo ahaa inay xukuumadda Siilaanyo wada tashi la yeelanayso labada xisbi mucaarada,Guddoomiye Cirro ayaa war-saxafadeedkiisa ku sheegay inay soo dhaweynayaan wada hadalka ay xukuumadda Siilaanyo ku baqeen,war-murtiyeed uu soosaaray Guddoomiye Cirro ayaa u dhignaa Sidan:-

 

 

REF/XIS/WAD/XDH/2226/2015                                                                                                                                    Tariikh:May 13,2015

 

War-Saxaafadeed

 

Mabda’ Ahaan Xisbiga WADDANI Wuxuu Soo Dhaweynayaa gogosha Wada hadalka iyo wada tashiga uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland fidiyey.

 

Waxa Xisbiga WADDANI aaminsanyahay inay Somaliland wax badani ugu hagaagayaan wadahadalKa marka loo eego marxalada maanta la marayo.

 

 

Qaabka loo gelayo wadatashiga Qaran iyo ajandaha laga hadlaayo waxaanu wadatashi kala gelaynaa Xisbiga aanu mataanaha nahay ee mucaaradka ah ee UCID,haldoorka iyo talo-qabeenk Somaliland.

 

 

Waxaanu mahadnaq balaadhan u soo jeedinaynaa beesha Caalamka ee danaysa horumarka iyo dimuqradiyada Somaliland ee heeganka u ah qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka hirgalay Somaliland waqtiga guddiga doorashooyinku cayimay ee 1 june, 2016

 

 

Madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay ku rajoweyn yihiin dal iyo dibadba in lagu Guulaysan doono wadahadaladaas.

 

 

Allaa Mahad Leh

 

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>