“Aad Iyo Aad Uga Xumahanay Una Cambaaraynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah Ee Lagu la kacay Mudane Barkhad Jaamac Hirsi iyo Tacadiyada Maalinba….” Suldaan Daakir Oo Si Kulul U Canbaareeyay Xadhigii Barkhad Batuun

Hargaysa: (DUULNEWS)-Suldaan Daakir Hassan Khaliif oo Maanta Shir Jaraaid ku Qabtay Magalada Burco ayaa waxa uu yidhi Sidan ” Waxaan aad iyo aad uga xumahanay una Cambaaraynayaa Xadhiga Xaqdarada ah ee lagu la kacay Mudane Barkhad Jaamac Hirsi iyo Tacadiyada Maalinba maalinta kasii danbaysa kasoo daraya ee ay xukuumada Siilaanyo ku Hayso Bulsha waynta Gabooye, iyadoo Xataa bishii Barakaysnyad ee Ramadaanta ahayd uga dhigtay in ay ku afuriso umada ku dhaqan Xaafada Daamin Rasaal Hoosta ay ugu dhigayaaan Ciidamada amniga oo aan la garanayn iyagu Cida ay ka Amar qaadanayaan, waxaana wada ogsoontihiin Xukuumadan maanta Jirtaa in ay Caadaysatay in markasta ay Xanjabaad iyo Caga jugleyn xidhis kula kacda Cidkastoo Mucaaraada ama ka soo horjeesata dulmiga ay ku haysto Bulshada Somaliland Gaar ahaan Beelaha Gabooye oo iyagu Horayba uga qatanaa Xukuumada, Haadana Siyaasiyiinteedii iyo Haldooradeedii lagula kacayo Xadhig iyo Xoriiyad ka qaadis.

Dhnaka kale Suldaanka oo ka Hadlaya Beelaha Gabooye ahaa waxa uu yidhi ” Beelaha gabooye waa beesha qudha an qori qadan an ku suntanayn colad waa Beel alle ugu deeqay dulqaad iyo nabad jacayl waad arkaysan waxa dulmi iyo cadadis ay ku hayso xukumda faashilka ah ma aha in ay ka doondoono xukumadu inay bilaban amni daro iyada oo lagu jiro bisha barakaysan waxanu ka xunahay oo aanu ka soo horjeedna matada lagu afuriyay xabada arxan darada ah.

mudooyinkii ugu danbeyeyna Xukuumada siilaanyo waxa ay faragalin iyo Hanjabaad kula kacaysay Xafada Daame oo ah xaafad ay dagaan bulhshan Masaakiinta ah, oo markasta oo fal yari ka dhacaba Boolisku u adeegsadaan rasaas nool nool in ay hoos ugu dhigaan umad aan hubaysnayn, xoog iyo adoowna lahayn ay wax iskaga celiyaan qurina ku qaataana.

anigu ka suldaan ahaan ku baaqi maayo in qori la qaato balse waxaan ku baaqayaa in cadaalada loo sin naado oo waxa ay xaafada kale ee ku yaal hargeisa garaan gaydo xukuumada siilaanyo. Maanta hadii qofkii ay xukuumadu u aragto in uu danaheeda wadayn il qaloocan ku eegto taas waxa ay meel ka ga dhacaysaa qaran nimadii iyo dimuqraadiyadii xukuumadani ku fanaysay.

Ugu danbayntii Suladaanaka ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey Baaq uu soo jeediyey Xukuumada Siilaanyo kagana Codsanayo in Si Deg Deg ah xoriyadiisii loogu soo celiyo mudane Barkhad jaamac Hirsi Iyo .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>