“HARGEYSI WAX JEEB LAGU QAADO KA WAYN” Muj; Cali Guray

Gurey(Duulnews)-Tan oo kalena miyay inoo dambaysay? Wuxu yidhi habartii indho la’aan ma ku ogayd?, DAD CUNNIMONA WAY KU DARSATAY! Yaa filayay intuu Axmed Silanyo Madaxwayne noqdo ayuu Hargeysa lafaha feenan? Dhul boobkii

halka uu marayo dhulkii dadwaynaha ee Hargeysa, haduu banaanaa, haduu guryo ahaa, haduu xafiisyo ahaa sida uu ku socdo wax soo hadhi doonaa ma jiro. Wuxu samaystay guddi dhul boobka ah oo hoos u iibisa hanti wixii Hargeysa dadwaynuhu lahaa oo sidii abeeso bakayle liq ah aan waxna ku merganayn waxna ku miiganayn. Wasaarado dhan oo xafiisyadii shaqaynayaan ayaa lagu dul iibiyay iyadoon xataa la wargelin. Waa guddi wadaado ah baa la yidhi oo hadana wax ay hambaynayaan jirin. Dadka dhulka loo boobay waxa ka mid ah sida la ii sheegay xubno qoyskiisa ka mid ah. Weliba wadaado ku sheegu waa macno ISLAAX iyo DEMJADIID.

Waayahay oo ma taasay is leeyihiin waydin ku nabadgeli oo sidaa aa wax tidhaahdeen ayaa wax walba ku dhamaaan, Ha u haystaan. Maansadii Hadraawi ee Barobaraale ayay wadaado ku sheegyadu aniga I xasuusiyeen oo nimanka malaayiinta doolar meelaystay dibnahoodu way basaaseen, halka wax ku qashaana siniin xataa laguma arko, hambona kama tagaan, cid martidaa ma jirto oo KEEN MOOYEE HOODA WAA KA WADAADO OO MABA YAQAANAAN.

IMIKABA WAXAN U DIGAYAA GUDIDA DHULBOOB CIDII WAX KA IIBSATAA IN AANAY SHARCI AHAYN HANTIDII QARANUNA AY WELI TAHAY HANTIDII DADWAYNAHA EEN AFAR WADAAD IYO SILANYO JEEBADAHOODA KU QAADAN KARIN OO HARGEYSI WAX JEEB LAGU QAADO KA WAYN.

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Duulnews.com/Hargaysa Office

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>