Hawl-gal Nadaafadeed Oo Maanta Laga Fuliyay Guud ahaanba Somaliland Gaar ahaana Caasimadda

ggggg(Duulnews)–Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa saaka looga dareeray Ololaha nadaafadda oo todobaad ka hor la sii iclaamiyay. Ololaha ayaa ujeedadiisu tahay sidii guud ahaan Somaliland maanta u noqon lahayd meel Qashinka ka nadiif ah islamarkaana Bilic leh.

 

Caasimada Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa hawlgalka Qashin Ururinta oo ay ka qayb qaadanayaan Hay’addaha dawladda oo ay hor kacayaan Masuuliyiinta ugu saraysa sida Wasiirada iyo Agaasimeyaasha. Waxaa ka qayb qaadanaya Dawladda hoose, Ururada Bulshada iyo guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

 

Wararka ka imanaya Gobolada iyo degmooyinka ayaa sheegaya in si rasmi ah ay uga fulayaan hawlgalka Nadaafadda ee loo asteeyay Maalintan 7-da April, islamarkaana qaybaha Bulshada oo ay hogaaminayaan Masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay ku hawlan yihiin Nadiifinta Magaalooyinka iyo tuulooyinka.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa masuuliyiinta Dawladdu bulshada ku wacyi galinaysay sidii looga qayb qaadan lahaa Ololahan, iyadoo haatana Baabuurta wadda Ololaha ee Heesaha guubaabada ahi ku rakiban yihiin laga dareemayo Magaalooyinka.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qayb ka qaatay maanta Ololaha nadaafadda. Madaxweynaha oo hogaaminaayey shacbiga iyo waaxaha kala duwan ee wasaaradaha dalka waxa uu kormeer guud iyo mid shaqo oo uu gacmihiisa ku fuliyey madaxweynuhu ku soo maray shan degmo oo ka mida degmooyinka caasimada kuwa ugu muhiimsan oo ayka mid ahayd Degmada Axmed dhagax, Degmada Maxamuud Haybe, Degmada gacan libaax, degmada 26-ka Juun iyo degmada Ibraahim Koodbuur.

 

 

Madaxweynaha oo shacbiga la hadlayna waxa uu yidhi “Maanta waxaa weeye maalintii nadaafadda waxaynu u tashanay qaran ahaan inaynu maanta u qoondayno maalinta nadaafadda oo aynu kuligeen ka wada qeyb galno, sidii dalkan iyo dadkan nadaafaddiisa aynu kor ugu qaadi lahayn, Magaalooyinkeena iyo wadooyinkeena weyn oo dhan, Ololahan nadaafaduna waa alnadaafatu minal iimaan,

 

aad iyo aad bay muhiim inoogu tahay saxada dadka nadaafadda iyo quruxda magaalooyinkeena, waxweyn bay ugu fadhidaa inaynu dad ahaan dawlad ahaan iyo shacbi ahaan iska kaashano in aynu nadaafada aad iyo aad kor ugu qaadno taasoo aan ka socon gobolkan oo keliya ee ay ka socota dalkoo dhan maanta insha allaahu tacaalaa illaahay waxaan ka baryayaa inuu inagu guuleeyo taana aynu marwalba meel uga soo wada jeesano”

 

 

Dhinaca kale Marwada Madaxweynaha ayaa ka qayb qaadatay Nadiifinta Hargeysa.Marwo Aamina Weris Sheikh Maxamed Jirde ayaa ololaha ka bilawday inta u dhaxaysa madaxtooyada ilaa dhakhtarka wayn, taasi oo ay kala qaybqaadatay dadweynihii iyagu halkaasi ololaha ka waday oo ay hormood u ahaayeen shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyo maaliyadda kuwaasi oo ay hogaaminayeen Masuuliyiinta iyo wasiirada wasaaradahaasi.

 

Marwada madaxweyanaha oo intii hawlaha nadaafadu socday farriin u dirtay shacabka iyo haweenka Somaliland ayaa warbaahinta la hadashay waxayna tidhi tidhi.

 

“maanta waa maalinta aynu u astaynay nadaafada qaranka oo dalka oo dhan laga fulindoono, waxaa muhiima in yar iyo wayn madax iyo shiciba aynu ka wadaqayb qaadano ololaha nadaafada , hawshani aynu wadnaa waxa ay muhiim u tahay caafimaadkeena iyom uuqaalkeena oo hadaynu markasta sidan uga shaqaynayno ay aad u wanaagsan tahay, waxaan leeyahay dhamaan haween waynaha jamhuuriyada Somaliland ku dadaaala nadaafada guryihiina hortooda si aynu u noqono kuwa bilicdoodu wanagsan tahay , inshaallah hawshan wayn ujoogtayn doonaa oo bilwalba todobadeeda waynu isu soo bixi, inta kalena dawlada hoose ayeynu ku dhiirigalin inay ka shaqayso, waxaan ku soo gabagabynayaa , daawanaayow waa dalkaagii”

 

 

markii ay marwadu hawlihii ololihii nadaafada soo dhamaystay waxa ay kormeer guud oo ay ugu kuur galayso xaaladooda iyo hawlahooda sida ay yihiin ku tagtay cusbitaalka guud ee hargaysa, halkaasi oo ay soo kormeertay guud ahaan cusbitaalka, ka dibna waxay ku soo noqotay Qasriga Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>