Ilaalada Xeebaha Talyaaniga Oo Tahriibeyaal 6000 ku Dhaw Badbaadbiyay 48-kii Saac Ee La Soo Dhaafay

Tal(Duulnews)-Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ilaa shan kun iyo sideed boqol(5,800) oo tahriibeyaal ah laga soo badbaadiyay Badda u dhexaysa Libya iyo Talyaaniga 48 Saac ee la soo dhaafay, kuwaasi oo haatan la soo gaadhsiiyay Dekedda Pozzallo ee dalka Talyaaniga.

 

Afhayeen u hadlay ilaalada badda ee talyaaniga ayaa BBC-da u sheegay in hataan 17 hawlgal ay ka shaqeynayaan badda si ay u soo badbaadiyaan soo galootiga, waxaana lagu tilmaamay in uu yahay hawlgalkii ugu ballaadhnaa sanadkan.

 

Maraakiibta talyaaniga ayaa waxa ay badda ka soo saareen 10 mayd. Waxa la sheegayaa in badda oo degan xiligan ay ku qaaday mukhalisiinta in ay ka faa’ideystaan badda oo ay isku dayaan in ay dad badan dhoofiyaan.

 

Dadka la soo badbaadiyay ayaa haatan maraya Hubin Caafimaad, iyagoo ay ku jiraan haween, Caruur iyo dad badda wax ku noqday intii ay ku soo jireen.

 

Badbaadinta Muhaajiriinta ayaa kor loo qaaday todobaadadii u dambeeyay kadib markii doon siday 900 qof ku degtay badda islamarkaana laga badbaadiyay 28 qof oo kaliya.

 

Wadamada Yurub ayaa dhawaan isku raacay in kor loo qaado dhaqaalaha ku baxaya badbaadinta tahriibayaasha iyo qalabka loo adeegsado. waxay sidoo kale ku taliyeen in la xakameeyo islamarkaana talaabo Milatari laga qaado Doomaha lagu soo dhoofiyo tahriibeyaasha.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>