Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland Oo Maanta Ku Dhawaaqay Shir Qaran Oo Lagu Samata-bixinayo Dastuurka Iyo Dimuqraadiyadda Somaliland+Daawo Sawiradda

Hargaysa:( Duulnews)- Isbahaysiga Mucaaradka Somalilad ayaa maanta ku dhawaaqay Shir-weyne aayo-ka ka tashi oo ay iskugu iman doonaan Ergooyin ka kala socda Xisbiyadda UCID,WADDANI Iyo Siyaasiyiinta Madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka.

Shir Jar’aaid oo ay maanta ku qabteen Hotel Maansoor ee Mgaaladda Hargaysa ayaa waxay sheegeen in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ay gabhi-ahaanba ku fashilantay inay fuliso Heshiiskii ay kala saxeexdeen Xisbiyadda iyo Xukuumadda,taas oo lagu so oaf-jarayay Xiisadda Siyaasaddeed ee ka dhalatay Muddo-kordhintii loo sameeyay Xukuumadda iyo Wakiiladda.

Badiba Siyaasiyiinta goobta ka hadashay ayaa si isku-mid ah uga hadlay inay Muhiimad tahay sidii loo badbaadin lahaa sharciyadda iyo Dastuurka Qaranka,isla markaana layskugu iman doono Shir-weynahaas aayo-ka-tashiga ah.waxaana ay intaas raaciyeen inuu kasoo dhamaaday dulqaadkii,isla markaana ay haatan u xadhko xidhanayaan sidii Dalka loo furdaamin lahaa.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyada oo maalmo kooban oo kali ah ka hadhsanyihiin Xiligii la-dhaariyay Madaxweyne Siilaanyo oo ku eeg 27 Julay,2015-ka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>