Isuduwayaasha Gobolka Sanaag Oo Xukumadda Ugu Baaqay In Wefti Gurmad Ah Usoo Dirto Ceerigaabo.

Ceerigaabo(Duulnews)- Isuduwayaasha Gobolka Sanaag Oo Xukumadda Ugu Baaqay In Wefti Gurmad Ah Loo Soo Diro Ceerigaabo.

 

Halka Ka Akhri Nuxurka Qoraal la sheegay inay wada Jir usoo sareen madaxda Haayada Laamaha dawlada Heer Gobol ee Gobolkaasi Sanaag.

 

 

Guud ahaan gobolka sanaag waa gobol ka fog xarunta Caasimada ee looga taliyo jamhuuriyada Somaliland taasi waxay sababtay inaan xogta dhabta ah ee gobolka ka jirta aanay hayn madaxda sare ee dawladu. Waxay kale oo sababtay fogaan-taasi in bulshada ku nool gobolka sanaag aanay ka soo kaban dhinaca maskaxda maadama aanay helin dhaqan celin,dhex gal bulsho kale, iyo kor u qaadis dhinaca garaadka ah.Waxay kale oo sababtay in aan bulshada gobolku helin xogta dhabta ah iyo waxyaalaha ka socda dalka intiisa kale.

 
Arrimahaas oo dhami waxay sabababeen in bulshadu dib u noqoto oo gaadho meel aanay weligeed gaadhin oo ah in ay sina u kala bixi weydo marka dhibaato dhacdo iyada oo aan ku kala baxayn, Xeerkii Dhaqanka, Shareecada iyo Sharciga maxkamadaha midna taasi waxay keentay in xasilonidii iyo deganaanshihii shaki galo oo dadkii walaac ku beermo,dhibaatooyinkan ma aha kuwa hadda bilow ah ee waa kuwo soo socdey sannado badan waqtigan iminka lagu jirona maraysa meel aad u qalafsan.

 

Hadaan kala reebno degmooyinka gobolka, Bulshada ku nool, Ceerigaabo waxay caadaysatey kuna faantaa arrimo dhawr ah kuwaas oo ah:

 

 

Qabyaalad iyo kala tagsanaan.

 

 

Sharciga oo aan loo hogaasamin iyaga oo qaba qofka sharciga dhowra in loo arkayo wax liita.

 

 

Xad –Gudubka iyo Xumaanta oo ay taageeraan taas oo aad ka dheehan kartrid marka qof la xidho iyada oo tuhun lagu haysto dhamaantood waxay tuban yihiin saldhiga iyo maxkamadaha iyaga oo leh sidee loo xidha Hebel.

 

Hubka fudud oo aad u fara badan baa yaal Magaalada iyadoo mararka qaar uu suuq fiican leeyahay.
Dhul goosi ayaa ka jira gobolka.

 

 

Ka hortag la’aanta,Xakamayn la’aanta iyo ka jawaab celin la’aanta macquulka ah marka arrin kedis ahi dhaco taas oo saamayn ku yeelata nabad gelyada Guud ahaan.
Dil joogta ah oo Ceerigaabo dhexdeeda ka dhaca iyo magaha oo aan la iska bixin.
Talo Bixin:-
In wefti Heer sare ah loo soo diro gobolka oo joogta muddo dhawr bilood ah iyaga oo u kuur gelaya wax ka qabashada arrimaha magaalada Ceerigaabo . Sida Awoodaha, Hirgelinta Sharciga iyo kala dambaynta iyo Aqoonta xirfadeed ee masuuliyiinta.

 
Wacyigelinta Bulshada iyo Dardar gelinta Nidaamka dawladnimo.
Xalinta arrimaha Magaha iyo hawlgelinta Cuqaasha.
Dhaqaala Xumada iyo Shaqa la’aanta baahsan ee ka jirta Magaalada Ceerigaabo taas oo looga faa’iidaysan karo Dhalinyaradda xasilooni daradda Degmada.

 
Ugu danmbayntii ujeedadu ma aha nabadi majirto laakiin waxaa sida baalasha-buuga isu kor saaran arrimo badan oo sababi kara nabadgalya xummo.

 

 

Isuwayaasha Haayadaha Laamaha Dawladda Ee Gobolka Sanaag

Ceerigaabo/Somaliland

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>