Jaaliyada Beelaha Habar-Cafaan (Samaroon) Ee Dalka Australia Oo Kullan Wada Tashi Ku Yeeshay Magaalada Melbourne

(DUUL)-Kullan Kooban Oo ay yeesheen qaar ka mid ah haldoorka Beelaha Habar-Cafaan (SAMAROON) ee ku nool magaalada Melbourne ee Dalka Australiya ayaa ka qabsoomay isla magaaladaas, Shirkaas oo uu ujeedkiisa u weyni ahaa dhinacyada Horumarinta iyo isku xidhka beesha Guddo iyo dibed gaar ahaan jaaliyada Habar cafaan ee ku nool dalka Australiya/

 

Sidoo kale waxaa isna shirkaas si qoto dheer loogu lafaguray xoojinta xidhiidhka Hogaanka Guud,Horumarinta waxbarashada iyo Deegamaynta iyo arimo badan oo aan saxaafada loo ogalayn in loo soo bandhigo.

 

Shirkan ayaa mudadii koobnayd oo ahayd hal maalin lagu doortay hogaanka cusub ee matali doona Beelaha Habar-cafaan ee Dalka Australia.

 

Si kastaba ha ahaatee Shirkan ay yeesheen Jaaliyada Beeelaha Habar-cafaan Ee Dalka Australia ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah mudo dheer ka dib waxaana la filayaa in qodobadaas laga gaadhi doono horumaro la taaban karo waqtiga dhaw.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>