“Jaamacadda Hargaysi Waa Jaamacad Qaran. Ma Aha Jaamacad Uu Deegaan Leeyahay”.Wasiir Sacad Cali Shirre

Hargaysa:(Duulnews)-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka ahna Gudoomiyaha Boodhka Jaamacadda Hargaysa,ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in Jaamacadda dib-loo-furay,lana dhaariyay Gudoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Jaamacadda,ka did todobaadyo ay Jaamacadda Al-baabadu iskugu laabnaayeen.

Wasiirka oo Maanta Magaaladda Hargaysa ugu waramayay Saxaafadda Dalka,ayaa sheegay inuu rajanayo inay noqoto markii ugu danbaysay ee ay Jaamacaddu xidhanto,lagana gudbi doono caqabadaha taagan.“ Maanta oo Sabti ah,Bishuna tahay Ogos 08,2015-ka waxa la furay Jaamacaddii sidii Maalintii dhawaydba aanu Iclaaminay.Macalimiintii iyo Ardaydiiba wey kusoo noqdeen Alxamdulaah!.Gudoomiyihii Cusbaana hawshiisii wuu bilaabay,waxaan rajaynayaa inay noqoto markii ugu horaysay ee ay Jaamacaddu inaga xidhanto.

Jaamacadda Hargaysi waa Jaamacad Qaran. Ma aha Jaamacad uu deegaan leeyahay,maha Jaamacadd uu qof leeyahay,mana aha Jaamacadd ay Macalimiintu leeyihiin.Qof kasta oo Muwaadin ah oo reer Somaliland ahi waa Jaamacad uu wax ku leeyahay”. Ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>