Jamaal Cali Xuseen oo ka dhiidhiyey Hees Midhaheeda sifo khaldan loo fasiray oo lagu eedeeyey inuu ku aflagaadeeyey beesha Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa 07Feb15(Duulnews)Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqooyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa been-abuur cad oo shakhsiyaddiisa iyo karaamadiisa lagu bartilmaameedsaday ku tilmaamay Hees Midhaheeda sifo khaldan bulshada loogu tarjumay oo la sheegay inuu Jamaal Cali Xuseen ku aflagaaddeeyey Beesha Madaxweyne Siilaanyo.

Daawo : Jamal Cali Xuseen oo Warbaahinta lahadley Sheegeyna in Deeq bixiyayaashu La noqon doono Lacagta hadii ay Xukuumadu Heshiisyadii FulinwaydoHeestan oo lagu baahiyey Barta Youtube, isla markaana midhaheedu dhaliilayaan nidaamka maamul ee madaxweyne Siilaanyo, ayaa iyada oo ujeedo kale xambaarsan oo ciwaan khaldan loo qaatay lagu baahiyey shabakadda Caynaba News iyada oo lagu sheegay in Jamaal Cali Xuseen sameeyey, haseyeeshee waxa uu Murashaxa madaxweynaha ee UCID sheegay inaanu warba ka haynin isla markaana aanu waxba samaynin midhaha heestaas oo uu sheegay inaanu ogeyn meel lagu sameeyey iyo cid samaystoona.

Shabakadda Caynaba New, ayaa heestan oo lagu baahiyey ciwaan uga dhigtay,“Murshax Jamaal Cali Xuseen oo soo saaray Hees Cusub oo lagu aflagaadaynayo Beesha Habarjeclo ee Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeedo”.Haseyeeshee heestan oo Youtube-ka ku jirta, ayaan haba-yaraatee lahayn isla markaana lagu xusin cid samaysay iyo cidda midhaha qaadaysa marka laga yimaaddo in ciwaan looga dhigay, “Kulmiye Damac Gooniya Iska Daa, Dadka La Mid Noqo”, taas oo muujinaysa in cidda ay heestu la hadlaysaa tahay Kulmiye iyo xukuumaddiisa.

Jamaal Cali Xuseen oo qoraal uu arrintan ku beeniyey ku baahiyey bartiisa Facebook oo uu kaga dhiidhiyey wax uu ku tilmaamay karaamo-dhac iyo been abuur shakhsiyaddiisa loola badheedhay, ayaa \ maamulka shabakadda ka dalbaday inay raalli-gelin deg-deg ah ka bixiyaan gefka iyo khaladka laga galay.

Qoraalka Jamaal Cali Xuseen ku faafiyey bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan: “Waxaan aad uga xumahay shabakadda Isugu yeedhay Caynabanews oo runtii meel kaga dhacday sharafta iyo karaamadda marka hore saxaafadda oo been abuur qaawan ila beegsatay, marka labaad meel kaga dhacday sharafta iyo karaamadda Beesha Weyn ee reer Somaliland ee Habarjeclo oo hees aan iyaga loola jeedin afka u gelisay; marka xiggana hees aanan kaba warhaynin oo ay Walaahi imika iigu horeyso dusha iga saaraysa; waar Ilaahay ka baqa oo xishooda, oo aakhiro ayaa jirtee ka xishooda ummadda. Weligayba beeno hore waa layga sheegay oo adeer waxba uma noqonayee Ilaahay ka baqa. Waxbana haygu khuukhinina waxan oo kale anigu shacabka Somaliland oo dhan waa iskugu kay mid. Shabakadaasina haddaanay xaal na siinin waxaanu ummadda u sheegaynaa inay tahay mid been abuurka taqaana oo aan marnaba la aamini karin lana akhrisan; waa haddii aanay beentan qaawan waxba ka qaban. Adduunyadda ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban. Iska daa Beelle anigu xataa shakhsiyadda ayaanin caayin oo ka xishoodaa xataa kuwa siyaasadda ku jira, macadalaa waaba suugaan ku cay; waar nimanku Been weynaa. Caynabonews anigu mar danbe ugu yeedhi maayee Caytamanews ayaan ugu yeedhayaa waa hadday maamulkeedu waxba ka qaban waayaan.”

Halkan ka daawo heesta Murshax Jamaal Cali Xuseen oo soo saaray Hees Cusub oo lagu aflagaadaynayo Beesha Habarjeclo ee Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeedo

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>