Karka KULMIYE + Kacaa-kufka Khilaafka + Ku talo-galka Samaale Iyo Keennada Ilma Biixi

KulmiyeHargeysa(Duulnews/Yool)-“..Waa War aan sal iyo raad toona lahayn oo waxba ka jirin ah, waxanan cid kasta u cadaynaynaa in warkaasi yahay been-cad oo Foore [Wargeyska Foore] u badheedhay oo aanu geed-na ugu soo gaban..”. Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu Xalay-fiidkii soo saaray Xisbiga Talada-haya ee KULMIYE, kaasoo Xisbigu ku daba-joogay War nuxurkiisu ahaa kulan qasriga Madaxtooyada ku

dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbul-xaakinka. Kulankaas oo Wargeysku ku fasiraya mid Guddoomiye Muuse Biixi kaga xod-xodanayey Madaxweynaha inuu u xallaaleeyo Musharaxnimadiisa, sidoo kale-na, bedelka arinkaas-na uu Guddoomiye Muuse Biixi dhinaciisa uu ka hawl-gali doono qorshaha ah sidii muddo-xileeka tallada dalka Madaxweyne Siilaanyo loogu kordhin lahaa muddo Labo sanno ah.

Haddaba marka laga yimaado durista Wargeyska iyo is-difaaca Xisbiga ee kulanaka qasriga Madaxtooyada, waxa kaloo, damqashada Warka iyo dhawaaqa deg-deg ah ee Xisbul-xaakimka kasoo yeedhaya labadu-ba muujinayaan in Waa-cusub oo hor-lihi hadda u beryey Xisbiga KULMIYE, kaasoo runtii ah mid daneeyeyasha Xisbiga KULMIYE inta badan maskaxda ku hayaan, wallow’se aanay jirin cid saadaal dhabba ka bixin karta waqtiga ama xilliga Cadceed Madoobaadku kusoo beegan yahay Xisbiga, isla markaana baar-qabada Kursiga u golon-golay  u curan doono loollanka Musharaxa mustaqbalka jagadda Madaxweynaha ee Xisbigaas.

Tartanka jagaddaas oo ilaa iyo hadda inta la og’yahay ay u Han-qal taagayaan Guddoomiye Muuse Biixi oo daraf ah, Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo inkastoo hadda xaalku aanu sidii hore ahayn, hadana marka loo eego dammaca Muj. Muuse uu dhagaxoodu meel-ku-wada dhacayo.

Marka ay arimuhu sidaa muuqata isugu murugsan-yihiin, isla markaana ay adag tahay Madaxweynuhu inuu si dhib-yar u qaato go’aan uu ku kala saarayo masuuliyiinta isku Xaafadda ah, maadaama xubnaha raajiciyeyaasha ah uu Madaxweynuhu mid walba gaarkiisa Tashka dammaca Kursiga ugu geliyey, talaabadaas oo marka la eego sababo badan awgood Md. Siilaanyo waqti xaadirka aanu ku dhiiran karin, iyo arinta ugu mihiimsan oo ah, isagoo Madaxweynuhu aan garan-karin waxa kaga iman doona.

Hase-ahaatee, marka arimuhu sidan oo kale isugu murgaan, waxa dariiqada keliyee u furani yahay intuu ka gaadhayo ujeedooyinkiisa, sida Mudo-kordhinta iyo arimo kaloo badan inta-ba inuu ku shaqeeyo siyaasadiisii hore oo kale, isla markaana xubnaha saarka Kursiga uu ku tallaalay aanu qolona foofkeeda ka jiidhin oo xaalkiisa uu kusoo ururiyo Hal-ku-dhigii ahaa “..Arag maqal warkana dhaaf..”. Taasoo ah habka qudhee uu kaga nabad-geli karo Redida iyo Haraati kaga timaada kooxo garbihiisa jooga.

Geesta kale, kooxaha dammacu qaatay ee hadda u xaydan hanashada mustaqbalka Jagadda Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, ayaa dhinacooda waxa u dhexeeya loollan adag, oo sida muuqta aan lahayn isu-tanaasul. Tusaale ahaan, Muj Muuse Biixi oo hadda isu arka inuu gacanta sare leeyahay, kadib markii Toddobaado ka-hor si lama filaan ah Madaxweyne Siilaanyo u sadqeeyey mid kamid ah xubnihii loollanka adag kula jirey Guddoomiye Muuse oo ah Wasiirkii hore Maaliyada Cabdicasiis Samaale, kaasoo isku shaandhan Madaxweynuhu ku sameeyey Golaha Xukuumadiisa ugu bedelay Wasaarada Wax-barashada, xilka Wax-barshada oo markii loo bedelay u cuntami waayey, isla markaana sheegay in aanu diyaar u ahayn qabashada xil, xataa haddii kiisii hore Madaxweynuhu dib-ugu-celiyo.

Dhacdadaas ayaa noqotay mid meesha ka saartay mid kamid ah xubnihii dhuunta u galay Muj. Muuse Biixi, inkastoo Md. Samaale aanu weli meesha ka saarin damaciisii Kursiga, sida uu ka sheegay xafladii uu xilka Maaliyada uu ku wareejinayey Wasiirada cusub Marwo. Samsan Cabdi Aadan, balse hadana hantaaqada iyo jugtii arintaasi u geystay Md. Samaale iyo kooxdiisa “Midigta-Fog”, waxa ay in muddo ah ilayska rajadda usii shiddi doontaa Guddoomiye Muuse iyo garabkiisa “Qunyar socodka ah”. Wallow aanay taasi noqon doonin mid kasoo af-jarta sheekadda ay ku dhako-faareen ee ku saabsan Musharaxnimada cirka ku laallan.

Sababtoo ah, waxa weli kooxda Sheikh Samaale ee “Midigta-Fog” u fadhiya tarabuunka Wasiir Maxamed Biixi, oo hadda u Alamiitaynaya inuu buuxiyo jagaddii uu banneeyey Md. Samaale, inakastoo marka hoos loogu daadego aanay dhinaca afkaaraha ka mideysnayn, hadana marka laga hadlayo isgarabsiga kooxda “Middigta-Fog” iyo Wasiir Maxamed Biixi, waxa dadka arimaha siyaasadda rogrogaa sheegaan haddii ay muuqato in laga adkaaday xubnaha garabka “Middigta-Fog”, waxa ay xulufo hoose la noqonayaan Wasiir Maxamed Biixi, iyagoo taa uga dan-leh inay ku liciifiyaan guul usoo hoyata Guddoomiye Muuse Biixi iyo garabkiisa loollanku ka dhexeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa arimuhu si dhabba u kala cadaan doonaan Toddobaadada soo socda, markaasoo la kala ogaan doono kooxda Madaxweynuhu la safan yahay iyo garabka ku guuleystay Musharaxnimada mustaqbalka ee Xisbiga KULMIYE.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>