Khamiista: Qabanqaabadda Madasha, Qiimaha Warbixinta Xaaladda Dalka, Badheedhaha Masiirka Cirro Iyo Goojadda 26-june

ddddddd(Duulnews)- Qabanqaabadda madal wayn oo xisbiga Waddani ku daahfurayo warbixin buuxda oo ku saabsan xaaladda dalka dhinac walba guddo iyo dibadba, isla markaana la filayo in guddoomiye Cirro kaga dhawaaqo badheedhihiisa dhinaca siyaasadda ee Wakiiladda iyo ta guud ee xisbigiisa ee doorashada iyo arrimo badan oo kale, ayaa lagu waddaa inay ka dhacdo Hoteel Maansoor maalinta khamiista ah ee soo

socota.

 

Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo lagu kalsoon yahay, madashaa ayaa lagu tilmaamay mid aan la nooc ahayn oo ka duwan xafladihii uu hore xisbigu u qabsan jiray xilliyadda qaar, isla markaana waxa la sheegay in lagu martiqaaday qaybo badan

 

 

 

 

oo kale oo ka mid ah haldoorka iyo qaybaha bulshada ee kala duwan. Xoguhu waxay intaa ku dareen, in gudoomiye Cirro halkaa ku soo bandhigi doono ama ka jeedin doono warbixin dhan kastaba ka milicsanaysa xaaladda dhabta ee la marayo iyo dantii guud ee la wada lahaa siday tahay.Caqabadaha jira iyo turunturooyinka doorashada loo dhigay, welina loo dhigayo.Siday u arkaan sharciyada xukuumadda iyo wakiiladda marka la gaadho 26juneiyo siday u arkaan in dalku ku sii socon karo. Dhaxalka doorasha la,aanta iyo muhimadda doorashada iyo ku dhaqanka sharciga iyo guud ahaan sida loo maamulay dantii guud ee la wada lahaa. Qodobaddaa ayaa xoguhu tibaaxeen inay qayb ka yihiin warbixinta madashaa xisbiga Waddani guud ahaan, gaar ahaan Gudoomiye Cirro ku soo bandhigayo.

 

Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in sidoo kale gudoomiye Cirro halkaa kaga dhawaaqi doono arrimo khuseeya masiirkiisa siyaasiga ah iyo halka uu ku socdo.

 

Dhinaca kale Gudoomiye xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Cali Yuusuf Axmed,ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasil ah, ka bixiyo inta uu ka ogyahay inuu Gudoomiye Cirro ka tegayo Jagada Gudoomiyenimo ee Golahaas, isla markaana wuxuu Cali Yuusuf sheegay inaanu Gudoomiyuhu si rasmi ah waxba ugu sheegin.

 

“Dee waxay ila tahay su’aashaasi in loo jeediyo Gudoomiyaha ayay ku haboon tahay,annaga waxba si rasmi ah nooguma sheegin”Ayuu yidhi Cali Yuusuf.

 

Sidoo kale, Cali Yuusuf Axmed wuxuu ka hadlay Diblamaasiyiin shalay Shir gudoonku kulan la yeeshay oo ka socda Hay’adda Independent Diplamacy “Waxa maanta (shalay),noo yimi laba diblomaasi oo ka socda hay’adda la yidhaahdo Independent Diplomat,waana Diblamaasiyiin madaxbannaan oo waxay doonayaan inay Somaliland wax badan ka ogaadaan.Labada diblomaasi midbaa hore u joogi jiray Somaliland, midna imikuu yimi oo wuxuu la shaqayn doonaa Baarlamaanka iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda.”

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>