Khasaaraha Ciidamo Ethpian Ah Oo Shabaabku Ku Laayeen Koonfurta Somaliya

news 1(Duulnews)-Wararka laga helayo Dagaallo Al-shabaabku la galeen Ciidamo Ethiopian ah oo ku sugan Gobolka Bakool, ayaa sheegaya in halkaas ay ku dhinteen Ciidamo Ethiopian ah oo uu ku jiro Sarkaal Sare oo ciidankaas ka tirsanaa.

solreDagaalkan dhex-maray Al-Shabaab iyo Itoobiya ayaa lagu warramayaa inuu dhacay kadib markii xoogagga Al-Shabaab ay Laba weerar oo dhabbo-gal ah u dhigeen kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo kasoo baxay degmada Xudur kuna sii jeeday Tayiiglow oo ka wada tirsan gobolkaasi Bakool.

Weerarradan dhabbo-galka ah ayaa markii dambe isku badalay dagaallo culus oo muddo socday, waxaana ciidamada Ethiopian-ka loo galay meel ku dhaw deegaanka Abaq-beedey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xudur.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah Ethiopianka lagu gaadhsiiyay dagaalka ka dhacay wadada xidhiidhisa Xudur iyo Tiyeeglow.

Si rasmi ah looma oga tirada guud ee dhimasho iyo dhawaac ee gaadhay ciidamada Itoobiya, balse waxey dadka deegaanku xaqiijiyeen in sarkaal ka tirsan saraakiisha ciidamada Ethiopia ee qeybo ka mid ah gobalka Bakool ku sugan lagu dilay dagaalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>