Khasaaraha Weerar Xoogan Oo Maanta Lala Beegsaday Wasaaradda Hidaha Iyo Tacliinta Sare Ee Magaaladda Muqdisho

Here available News, Spotrs, cultures, and social science(Duulnews)-Warar hadda kasoo baxaya Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somaliya,ayaa sheegay in weerar xoogani hadda ka socdo Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Somaliya.


Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ee weerarkaasi,waxaysi wararka hordhaca ahi sheegayaan inay jirto dhimasho iyo dhawaac,iyada oo wararku sheegayaan inay Dhimashaddu gaadhayso ilaa 10 Qof oo u badan dad rayid ah.
Ma jirto cid wali sheegatay Masuuliyadda Weerarkaas,balse sida la ogyahay Xarakadda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Xukuumadda Somaliya iyo Ciidanka Amisom,ayaa weeraro lagu hoobto ka gaysta Xarumaha Muhiimka ah ee Dalkaasi.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili ay Dadka deegaanka dhagahooda ka suu jiraan weeraradii lagu qaaday Hoteladda Centeral iyo Makka Al Mukarama ee Magaaladda Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>