“Khayraadka Dabiiciga ah ee Uugu Weyn Somaliland waa Maskaxda Qalinjibiyeyaasha Dalkeena”.Wasiir Xirsi

fffff(Duulnews)- Waxay ahayd xalay kadib markaan kulan casho sharaf ah la qaatay dufcadii labaad ee ka qalinjabiya Jaamacada Timocade University ee Gabiley

 

Waxay ahayd madal sharfan oo aan helanay 64 “Afar iyo LIxdan” qalinjabiye oo ku soo biiray saaxada Somaliland oo dabcan wax badan ka tari doonaa dhinacyada horumarinta iyo nabadgelyada

 

Waxaa run ah in noloshu halgan tahay aqoontuna hub, waan ku faraxsanahay in tiro intaas leeg oo ku hubaysan aqoon iyo waayo-aragnimo aynu maanta ka Somaliland ahaan inoo soo kordheen

 

Uma cabsi iyo welwel qabo aqoonayahan kaashanaya Illaahii uurka hooyadii ku arzaaqi jiray oo maanta u soo baxay nolosha wajigeedii labaad kadib sanado badan oo uu ku jiray halgan waxbarasho

 

Waxaan ku boorinayaa in ay noqdaan halyeeyo u heelan

horumarinta dalkooda iyo dadkooda oo ay rumeeyaan hamigii laga lahaa

 

Ogow, waxaad wax ku helaysaa hadba hamiga aad nolosha ka leedahay, oo waxaan xasuusnahay sheekadan :

 

“Laba wiil ayaa waxaa isa soo barbar taagay gaadhi qurux badan oo wiil dhalinyaro ah wato, kadib wiilashii ayaa waydiiyey halka uu gaadhigan ka keenay, wuxuuna uugu jawaabay “Walaalkay ayaa ii iibshay”

 

Labadii wiil waxaa ku soo kala dhacay labadan fikiradood

  1. Waxaan jeclaan lahaa in aan yeesho walaal gaadhi ii iibsha
  2. Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo walaal gaadhi walaalkii u iibsha

 

U fiirso, labadaas hami ee ay labadaas wiil kala lahayeen, waxaa dhab ah in labadaas hami noqon doonaan kuwa noloshooda is dhaafiya midna ka dhigi doona wax bixiya midna wax qaate!

 

Waan idiinku hambalyeynayaa in aad maanta yeelateen baalal aad ku duushaan si aad nolosha heersare uuga gaadhaan waayo qof bilaa aqoon ah waa sida shimbir bilaa baalal ah “A person without Education is like a bird without wings”

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>