Komishanka Doorashooyinka Oo Cayimay Goorta Iyo Goobta La Bilaabi Doono Diwaan-galinta Cod-bixiyaaysha

Hargaysa:(Duulnews)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland,ayaa maanta ku dhawaaqay Xiliga ay dalka ka bilaabayaan diwaan-galinta Codbixiyayaasha.

Gudoomiyaha Guddiga Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Warbaahinta Maanta kula hadlayay Xarunta Guud ee Komishanku ku leeyihiin magaaladda Hargaysa,ayaa sheegay in 21 Julay,2015-ka ay Dalka ka bilaabmi doonto Dawaan-galintu,gaar ahaana Gobolka Togdheer.

Waxa uu intaas raaciyay inay guud ahaanba qeybaha Bulshadda ugu baaqayaan sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen hawsha,isla markaana uu ruux kasta oo Xaq u lihiba uu is-diwaan-galiyo,si uu fursad ugu helo dhiibashadda Codkiisa.

Dhinaca kalena,waxa Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka,ayaa sheegay inay Guddi-ahaan ay dhex-dhexaadin ka gali doonaan Muranka Siyaasaddeed ee Dalka ka aloosan,si ay Dalka uga qabsoomto Doorasho Xor iyo Xalaal ahi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>