““Ku Qabso Ku Qadi Mayside Barigii Hore Dhulka Ayuun Bay Ka Dhici Jirtaye Hadda Siyaasaddii Bay Soo Gashay” Cali Guray

Gurey(Duulnews)-Gudoomiye xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ay si adag uga hadlay muranka golaha guurtidu galisay heshiiskii asxaabta qaranka iyo xukumaddu iskula gaadheen in doorashada la qabto bisha December sanadka 2016-ka.

Waxa uu sheegay in Asxaabta Mucaaradku tanaasulaad badan keeneen islamarkaana Xisbiga Ucid gacan laxaad leh ka gaystay sidii loogu heshiin lahaa wakhtiga ugu haboon ee doorashada lagu qaban karo. Waxa uu eedu jeediyay aqalka guurtida.

 

“Guurtidu ka mid maaha dadka doorashada wax ku leh,doorashadu waxa ay ka dhacaysaa oo ku tartamaya Saddexda xisbi,Komiishanka Doorashooyinka ayaa masuul ka ah doorashadu in ay qabsoonto,doorasho ay qabanayaan Saleebaan iyo Guurtidu 2017-ka iyaga ayay u taal,cida ay u qabanayaan ee tartanka ku jirtaana iyaga ayay u taal,laakiin arinka saleebaan waa wax gaar ah waxa lagu heshiiyayna waa wax gaar ah,” ayuu yidhi Mudane Cali Guray.

 

Mudane Cali Guray waxa uu ku dooday inaan guurtidu hor istaagi Karin doorashada ““ku qabso ku qadi mayside awal hore dhulka ayay ahayd,lakiin maanta Siyaasadii ayay soo gashay,markaas mashruuc saleebaan iyo guurtidu kama badna ku qabsa ku qadi mayside,ana waxaan idhaah lacagtii hore ee ay qateen waxa ay ahaydtii lagu hawl galinayay,lakiinse haday macaa aanay ka noqon doorashada ay Axsaabtii iyo xukuumadu ku heshiiyeen iyo beesha caalamkuna la ogashay isma hortaagi karo saleebaan,lama odhan karo tariikhda doorashada guurtida ayaa cayimaysa.”

 

Gudoomiye Cali Guray waxa uu sheegay in haddii Madaxweynuhu digreeto ku cayimi waayo wakhtiga doorashada ee lagu heshiiyay ay u arkayaan inay Xukumadda iyo xisbigeedu heshiiskii ka baxeen  “saleebaan oo kale meel ka dhac ayuu ku yahay in lagu tilmaamo guurti oo runtii maaha,halkan waxaan ku arkayay cawil oo kula talinaya inuu yeelo maanta oo kalaa wixii uu yeeli lahaa hadii uu nool yahay sheekh ibraahin sheekh yuusuf madar saleebaan kaas manoqon karo cidna wuu ka aargoosanayaan kaasina waa siilaanyo,dhinacna qolo ayaa daba socota oo inta ku xeerani dan ayay ku  fushanayaan,shirqool intaas ka fog haduu yahay oo saleebaan aanu dan gaar ah ka lahayn waxaan qabaa in ay talada umadu tahay wixii ay ku heshiis tahay in laraaco,hadii siilaanyo digreeto ku soo saari waayo wakhtiga doorashada,waxaanu u qaadanaynaa waxa lagu heshiiyay in ay ka baxeen xisbiga kulmiye iyo Xukuumadu.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>