La-taliyihii Madaxweyne Siilaanyo Ee Bulshada La Haybsooco Oo Iska Casilay Xilkaasi Iyo Sababaha Keenay

BarkhadaHargeysa (Duulnews.com)- La Taliyihii Madaxweynaha ee arrimaha Beelaha La Hayb Sooco ee Somaliland Md. Barkhad Jaamac Xirsi ayaa goor dhaweyd u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) warqadiisa iscasilaada.

 

Barkhad Jaamac Xirsi oo ka dib markii uu u gudbiyay madaxweynaha Somaliland warqada iscasilaada aan khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa ii xaqiijiyay, waxaanu ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo sababta wakhtigan soo dedejisay iscasilaadiisa.

Waxa uu noqonayaa siyaasigii labaad ee todobaad gudihii iska casila xil uu ka hayay xukuumadda Kulmiye, waxaana ka horeeyay oo isagu ku dhawaaqay iscasilaadiisa Wasiirkii hore ee Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka biyo diiday in laga wareejiyo wasaaradiisii hore ee Maaliyadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>