Laba Sarkaal Oo Lagu Dilay Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal -

Borame:Duulnews)-Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cabdi Saleebaan Ramaax ayaa warbaahinta u sheegay in gaashaanle sare Xasan Caqli taliyahi agaa galbeed ee ciidanka qaranka Somaliland uu qabo dhaawac halisa laguna daweynaayo cisbitalka Xayaat ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal

Halka hal xidigle Faarax Caraalana uu isagu goobtaa ku geeriyooday

Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamad Saleebaan Cali Ramaax waxa kale oo uu intaas ku daray in imika gacanta lagu hayo ninkii dilka gaystay oo uu hada xidhan yahay

Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami ,waxa uu isna sheegay in gacan ku dhiiglihi dilka geystay oo ciidanka ka tirsan imika gacanta lagu hayo ,baadhitaan faro badanina uu socdo lana horkeeni doono sharciga

Waana saraakiishi afaraad ee bilihii u danbeeyay lagu dilo Somaliland mana jirto wax talaabo ah oo laga qaado nimanka dilka sidan oo kale u geysta kuwaas oo ay toogteen askartii ay u talinayeen

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>