Labada Xisbi Mucaarad Oo Gudoomiyaha Guurtida U Gudbiyay Mawqifkooda Muddo Kordhinta

Kulan(Duulnews)-Labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

 

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Xoghayaha Guud ee WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo hoggaaminayey masuuliyiin labada xisbi mucaarad ka ka tirsan oo kulan gaar ah Guddoomiyaha Guurtida kula kulmay gurigiisa magaalada Hargeysa gelinkii dambe , ayaa u gudbiyey mowqifkooda la xidhiidha muddo-kordhinta loo samaynayo madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

 

Xoghayaha Guud ee WADDANI Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa Jamhuuriyakhadka telefoonka ugu sheegay shalay, in labada xisbi mucaarid u caddeeyeen Guddoomiyaha Guurtida inay oggol yihiin muddo-kordhinta farsamo ee Komishanka Doorashooyinku ku shaaciyeen inay doorashada madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada qaban karaan 1 June 2015.

 

“Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo dalka ku soo laabtay waxa aannu kula kulannay gurigiisa isagoo kelidii ah oo aan cid kale wehelin, annagoo kala hadalnay muddada lagu qabanayo doorashooyinka oo Komishanku caddeeyeen inay ku qaban karaan muddo sannad ah oo ay dhici doonto 1 June 2016, waxaanan u sheegnay in muddadaas oo isla qaateen saddexda xisbi qaran, Komishanka Doorashooyinka iyo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamku wax ka badan aanay Guurtidu kordhin, iyadoo dalka iyo dimoqraadiyaddeenaba muhiim u tahay in sannadkaas oo qudha Golaha Guurtidu sharciyeeyo si loogu qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada,” ayuu yidhi Mr. Uurcadde.

 

Waxa kaloo uu sheegay inay Guddoomiye Saleebaan xasuusiyeen in aanay marka horeba xukuumaddu xaq u lahayn in loo sameeyo muddo-kordhin sharci-darro ah, waajibna aanay ahayn in lagu qaado xil-gudasho la’aan, balse haddana labada xisbi mucaarid oo danta dadka iyo maslaxada Somaliland eegay ay aqbaleen in doorashooyinka la qabto 1 June 2015.

 

“Muddadaas sannadka ah ee doorashooyinku dib u dhaceen waa mid ku timi arrimo farsamo oo aan siyaasad ku jirin, waxayna ahayd sida sharciga ah in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigoodii saxda ahaa, laakiin haddii ay farsamo ahaan dib ugu dhaceen, waxa fiican in Golaha Guurtidu sharciyeeyaan sannadkan Komishanku sheegeen inay doorashooyinka ku qaban karaan, taasoo xisbiyada iyo qaadhaan-bixiyeyaashuna taageereen, waxaanan guddoomiye Saleebaan u sheegnay in aan la aqbali karin muddo-kordhin ka badan xilliga Komishanku soo saareen.”

 

Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa sidoo kale sheegay in muddada sannadka ah ee la kordhiyey culays ku tahay dalka, laakiin ay u aqbaleen si loo ilaaliyo qarannimada iyo maslaxadda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu xusay in aannu guddoomiyaha guurtidu siin jawaab sax ah oo ku saabsan codsiga ay u gudbiyeen.

 

“Guddoomiyaha Golaha Guurtidu jawaab sax ah nama siin, laakiin wuxuu noo sheegay inuu xog badan urursan doono, isla markaana waraysi kula noqon doono golihiisa maadaama uu dalka ka maqnaa, sidaa darteedna aanay waxba ka xumaan doonin qaranka Somaliland, sidii sharci ahna la raaci doono, markaa guddoomiye wuxuu nagu wargeliyey inuu tashi samayn doono,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud WADDANI.

 

Beesha Caalamka ee ka taageera Somaliland doorashooyinka iyo hannaanka dimoqraaddiyadda, ayaa qoraal ay soo saareen 24 April 2015, kuna socodsiiyeen madaxtoooyada, saddexda xisbi qaran, Guddiga Doorashooyinka iyo Golaha Guurtida waxay ku caddeeyeen inay taageersan yihiin muddada sannadka ah ee Komishanku sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka, waxayna ka digeen in la sameeyo muddo-kordhin ka badan xilligaas.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>