Liiska madaxda ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxii manta ka dhacay Hotel Centeral

Qaalib(Duulnews)- Xaalada hotel-ka Centeral ee magaalada Muqdisho ayaa caawa dagan kaas oo ay Al Shabaab manta qaraxyo xiriir ah ka fuliyeen, gaar ahaan masjid kuyaala gudaha Hotel-ka.

 

Waxaa uu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu qasaaraha badnaa ee dhaca mudooyinkaan, dhanka dowlada Somalia waxaa jira

xildhibaano,wasiiro iyo siyaasiyin qaar ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen weerarkan.

 

Dhimashada

 

Maxamed Aadan Guuleed (Caanageel) guddoomiye ku xigenkii Gobolka Banaadir

Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug )

Xildhibaan Maxamud Ducaale Muse Xaaji Kafee (Xildhibaankii bedelay Saado Cali Warsame oo sanadkii hore kooxo hubeysan ay ku dileen agagaarka hotel ay deganeyd)

C/shakuur Mire Aadan “Guddoomiyaha kuxigeenka Xisbiga Daljir”

 

Dhaawaca

 

Ra’iisul wasaare Kuxigeen Maxamed Cumar Carte Qaalib

Wasiirka Dekaddaha Nuur Faarax Xersi

Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar

Wasiir hore C/raxmaan Maxamed Bangax

Maxamuud Axmed Guddoomiyihii Degmada Balcad

Cali Jaamac Jangeli Wasiirka Duulista hawada

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>