Maalmo Ka Dib Weerar Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Degmada Qolujeed Ee Gobolka Awdal Oo Ay Wax-garadka Deegaanku Shir Ay Yeesheen Kasoo Saaray Go’aamo Ku Tacaluqa Adkaynta Nabada

 

buuuu(2).jpg(Duulnews)-Wararka ka imanaya degmada Qulujeed ee gobolka Awdal ayaa sheegaya in galabta uu degaankaasi ka dhacay shir balaadhan oo ay wada yeesheen cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka iyo xeerbeegtida degaankaasi, shirkan oo salka ku hayay adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinteeda ayaa waxa uu ku soo beegmay waqti ay maalmahii ina dhaafay Qulujeed ka dhaceen dhacdooyin amnidaro kuwaas oo sababay

in ay dadkii degaanku ku barakacaan, weerarkii u dambeeyay ee maleeshiyada Suldaan Wabar ay halkaasi ku soo qaadeen.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane oo ka mid ah xildhibaanada Golaha degaanka ee Degmada Boorama oo laga soo doortay degaanka Qulujeed oo ka qayb galay shirkan ayaa sidan u xaqiijiyay

 

 

Warbaahinta, waxana uu sheegay inay ka soo baxeen qodobo qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:

 

1 Ilaalinta iyo Jiritaanka Somaliland

 

2 Cuqaasha Beesha waxay kalsoonidii kala noqotay Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo hore loogu doortay lagu Caleemasaaray Degmada Qulnjeed kadib markii uu abaalkayagii iyo wax qabadkiisii ugu horeeyay ee aanu ka filaynay Suldaanku nooga nooga dhigay dagaal Xabad iyo Barakicin

 

3 In la ilaaliyo nabadgalyada xuduudaha labada dal ee beeshu degdo ee Somalilnd iyo Itoobiya

 

4 Waxay beeshu umahad celisay ciidamada qaranka somaliland ka dib markii ay ciidmada maleeshida suldaan webar ay barakiyeen dadka deegaanka Qulunjeed, islamarkaasina ay ciidamada qaranku ay soo daad gureeyeen guryahoodiina dib loogu soo celiyay dadkii halkaasi laga barakacay

 

5 Beeshu waxay xukuumadu ay ka codsanaysaa in dadkii barakacay inay la soo gaadho kaalmo –

Wariye: Mohamed Hassan Daacad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>