Maamulaha Madaarka Hargaysa Oo Ka Hadlay Xiligga Xagaaga Iyo Adeegyadda Uu Madaarku U Qabto Dadka Dalkooda Kusoo Guryo Noqonaya

Hargaysa: (Duulnews)-Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Magaaladda Hargaysa, Maxamed Yuusuf Ismaaciil,ayaa faah-faahin ka bixiyay Adeegyadda Madaarka ee Xiligan Xagaaga ay Rakaabka kala duwan ee kasoo dagaya Madaarka u qabtaan.
Maamulaha ayaa sheegay inay si weyn wax uga badaleen guud ahaanba adeegyada kala duwan ee madaarku qabto.waxa uu sheegay inay yaraatay cabashdii kasoo yeedhi jirtay Rakaabka ee ku saabanayd Diyaaraha qaar oo ka yimaada qaar ka tirsan Alaabta rakaabka Madaarka kasoo degaya,iyada oo maalmo ay dib uga dhici jireen,waxaana uu tilmaamay inay taasi hadda yaraatay ilaa haddana aanay jirin wax cabasho ah oo dhinaca rakaabka kasoo gaadhay Maamulka Madaarka.
Maamule Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo maanta Xafiiskiisa ugu waramayayWarbaahinta ,ayaa hoosta ka xariiqay doorka ay Shirkadda Duulimaadyada ee FLYDUBAI ku leedahay inay dad badan oo reer Somaliland ahi dib ugu soo laabteen Dalkooda hooyo.
Waxa uu si weyn u amaanay kaalinta shaqaalaha fir-fircoon ee madaarku ku leeyihiin raali-galinta rakaabka dalka kasoo degaya,waxaana uu intaas raaciyay Madaarka Hargaysa uu dhinacyo badan kaga horeeyo Madaaradda dhiggiisa ah eek u yaala Geeska Afrika “ Sidaad la wada socotaan Madaarka waa xilgii Xagaaga ama waa xiligii dadka reer Somaliland ay kusoo guryo noqonayeen dalkoodii Hooyo,dadkaas oo laga yaabo inay wakhtiyo fog ay dalkooda ugu danbaysay,iyaga oo usoo boholyoobay,una soo buseelay Dalkooda,dadkaasna Madaar ahaan waxaanu u samaynay qorshe,qorshahaas oo marba marka kasii danbaysa aanu kasii casriyaynaynay adeegga dadkaas rakaabka ah ee soo dagaya”. Ayuu yidhi Maamule Maxamed Yuusuf
Waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay farqiga u dhexeeya Xagaagan iyo kuwii ka horeeyay iyo waxa Maamul ahaan u qabsoomay “Xagaagani waxa uu kaga duwanyahay kuwii hore waxa dhici jirtay in dadku ka cawdaan shandadahooda oo ay Diyaaraduhu ka yimaadaan,imika habayaraatee wax cabasho ah oo aanu haynaa ma jirto.
Waxa kale oo ay kaga duwan tahay dhinaca duulimaayada oo sanadba sanadka ka danbeeya soo kordhaya marka uu heerka Madaarku kor u kaco,sanadkasta waxa imanaya diyaaro Ajaanib ah iyo kuwo muwaadiniin reer Somaliland ahi leeyihiin.waxa imika hawl laxaad leh ka wada Madaarka,kana qeyb qaadata inay Dadka Dalkooda hooyo kusoo guryo-celiyo Shirkadda Diyaaradaha ee FLYDUBAI ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta.shirkadaas oo ah shirkad aad iyo aad u casri ah oo xadiga Rakaabka ay qaadaysaa uu yahay mid ka weyn Diyaaradaheena kale”.
Maamulaha oo aanu weydiinay siday arkaan Rakaabku Adeegyada Madaarka ayuu sheegay inay dadku ka mahad-sheegtaan shaqada hufan ee hawl-wadeenada madaarku ku fooganyihiin “waxaan odhankaraa Adeegga ay dadkaasi nagala kulmaan oo mid aad u sareeya,iyada oo marba marka kasii danbaysa ay soo badanayaan Dadka Rakaabka ah ee Dalka soo gaadhaya.waxaanu u carbinay adeegga rakaabka soo dagaya shaqaale aad u tababaran shaqada iyo adeegga ay Madaarka ka qabanayaan sida kuwa Laanta Socdaalka,Kastamka,cashuuraa kuwa qaada iyo xattaa Xamaaliinta Rakaabka u qaada alaabaha”.
Ugu danbantii waxa uu tilmaamay inay Madaarka ka hirgaliyeen shuruuc iyo qawaaniin kala hagaysa Shaqaalaha iyo dadka soo dagaya ama dhoofaya “waxaanu samaynay nidaam daah-furnaan ah oo qofka iyo rakaabka uu sharci u dhaxayn karo,oo aanu qofna qofka kale ku xadgudbi Karin.qofkasta oo rakaab ahina isaga oo mabsuud ka ah adeegayagga ayuu naga tagaa.Madaarkeenu waxa uu la jaanqaadayaa Madaaradda kale ee Aduunka,waxa uu la talaabasanayaa Madaaradda kale ee aynu jaarka nahay,waxaana uu dhinacyo badan kaga heer sareeya Madaaradda Geeska Afrika ee Ethopia,Djabuuti iyo Muqdisho-ba”. Ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Hargaysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>