Maareeyihii Tv-Ga Qaranka Ee Xilka Laga Qaaday Oo Wali Khilaaf Ka Dhex Wadaa Wasaaradda Iyo Wasiir Cukuse Oo Hawlihii Shaqo Ka Gudan Kari Waayay Shaqaale Aan Qarameesnayn Oo Hab Qabiilaysan Isu Urursaday + DHacdadii Saaka Ay Wasaaraddu Ku Waabirisatay .

gaaas-113x206(Duulnews)-Waxaa saaka dib u curtay khilaafkii wasaaradda Warfaafinta kaas oo la sheegay in uu sababay in qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda xabsiga lagu guro .
Khilaafkan ayaa salka ku hayya ka dib markii Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse uu ammar ku soo Rogay Wasaaradda kaas oo ahaa in shaqaaluhu ay wasaaradda iman karaan maalinta ay shaqada u leeyihiin oo kaliyaa maadaama loo diyaar garoobayo Xuska 18 May si amaanka la adkeeyo mana ahaa Talaabo cusub oo wasiir Cukuse qaaday ee waa Talaabo soo jireen ahayd oo mar kasta oo uu soo dhawaado Xuska 18 May lagu amri jiray shaqaalaha in intii shaqada u leh hadba maalintaasi ay yimaaddaan wasaaradaa .
Waxaana Talaabadaasi ka hor yimid Tiro yar oo shaqaalaha wasaaradda ah oo la sheegay in uu dabada ka riixayay Maareeyihii Xilka laga qaaday KHadar Gaas isagoo hab qabiilaysan dhabarka uga soo taabtay isla markaana ku tashkiiliyay in ay ka hor yimaadaan Go’aanka wasiirka taasina ay dhalisay Buuq iyo qas ka dibna uu buuq ka dhex dhashay iyaga iyo ciidanka amaanka halkaasna lagu xidhxidhay Tiradii koobnayd ee buuqa ka wadday wasaaradda .
Waxa xusid mudan in Hawl-wadeennadan la xidhxidhay ay ahaayeen kuwo uu soo Diray maareeyihii la eryay waxaana Cadeen u ah in shaqaalahani ay ku tiraabayeen wakhtigii la xidhxidhayay hadalo xanafeesan oo ay ka mdi ahaayeen “ Meeshani waa Beertayadii “ oo ay uga jeedaan wasaaradda annagaa leh Waxaana halkaasi ka cad in shaqaalha qaarkood aanay wali bislayn oo aanay qarameesnayn ..
Sidoo kale waxaa ay xogha aanu helaynaa intaa ku darayaan in Maareeyuhu uu ku hawlanyahay Sidii uu khilaaf uga dhex hurin lahaa Wasaaradda Isagoo si badheedha illaa hadda u sii jooga tv-ga qaranka isagoon wareejin wali xilkii madaxweynuhu ka qaaday .
Waxaanay ilo xogogaaal ahi noo sheegeen in waxa kaliya ee wali meesha isugusii dhejinayaa ay tahay sidii uu lacagta 18 May u sii qaadan lahaas, tv-gana usii xaalufinlahaa wixii yaraa ee ka hadhay wuxuuu xaabsaday ee hantidii qaranka iyo xuquuqdii shaqaalaha ahayd .
Wararka ayaa sheegaya in musuqmaasuqa maareeyihii la bedelay uu ku sii darsaday in maalmahan ka danbeeyay bedelkiisana uu wax u mulmulaaqo ciddii uu watay ee ku xidhnayd, taaa bedelkeedana ku adkeeyo inay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan dibandaabyada maamulka sare ee wasaaradda ee ay is hayaann, si uga dhigo in dhibkii wali sii jiro iyadoo la bedelay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>