Maayarka Hargaysa Oo Si Cad U Hor Istaagay Dhismaha Waddada Madaarka Hargaysa Iyo Sababta Uu Cuskaday

 

 

 

 

Hargaysa:( Duulnews)- Maayarka Magaaladda Hargaysa, MD. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelco),ayaa si cad u hor istaagay Dhismaha Wadadda ka timadaa Madaarka Caalamiga ah ee Magaaladda Hargaysa oo si weyn u Burburtay Tobankii Sanno ee ugu danbasay.

Bilawgii Bishii JULAY ee ian dhaaftay,ayaa waxa iskugu yimid Xarunta Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargaysa Guddiga bilicda iyo Horumarinta Degmooyinka Caasimadda,kuwaas oo ka kala yimid dhamaan Xaafaddaha kala duwan ee ay ka Magaaladdu,waxaana Shirkaas si weyn loogu faaqiday Dayaca iyo Hurumar la’aanta la deriska ah Caasimadda Dalka oo ay ku yaalaan dhamaan Haay’addii Dawliga ahaa sida ; Xukuumaddii,Baarlamaankii,Garsoorkii iyo Haaya’diihii Caalamiga ahaa,ahna Xarunta Ganacsi ee Dalka.waxa Kulankaas gabo-gabadiisii laga soo saaray Arimaha ugu Muhiimsan ee ay tahay in ay Dawladda Hoose iyo Dadka Shacabka oo is-kaashayaa ay wax-ka-qabtaan,waxaana ay sheegeen inay Ugu horayn tahay in laga shaqeeyo sidii Dacay-tir Balaadhan loogu samayn lahaa Wadda weyn ee ka timadda Madaarka Magaaladda Hargaysa,oo ah Muraayaddii Dalka,waxaana ay halkaas kaga balan-qaadeen Masuuliyiinta Dawladda Hoose oo ay ugu horeeyaan Maayar Ku-Xigeenka Caasimadda Iyo Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose inay si deg deg u bilaabi doonaan Wadadaas,iyaga oo kaashanaya Xukuumadda dhexe iyo dadweynaha Caasimadda,isla markaana ay dhagax-dhigi doonaan inta lagu guddo jiro Bisha Barakaysan ee RAMADAAN-ta,Ciidda ka dibna si toos ah loo bilaabi doono.Balse waxaan kulankaas kazoo xaadirin Maayarka Magaaladda Hargaysa,waaxaana la sheegay inuu yahay Caqabadda Kowaad ee hortaagan in Mashaariicdda Dawladda Hoose ee Hargaysa la gaadhiisyo Degmooyinka kale ee Caasimadda ee ka baxsan Labadda Degmo ee 26 June iyo Ibraahim Koodbuur ee Magaaladda Hargaysa.

Xogo lagu Kalsoonyahay oo aanu ka helnay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargaysa,ayaa noo xaqiijiyay in Maayarka Hargaysi si cad u sheegay in aanay Dawladda hoose Wakhti Xaadirkan Diyaar u ahayn dhismaha Waddadaas,isla markaana ay ku mashquulsantahay arimo kale.

Dhinaca Kalena,Xogo lagu Kalsoonyahay oo aanu helnay waxay sheegayaan sababta ugu weyn ee Maayarku u hortaagan yahay Dhismaha Jidkaas hal-bawlaha ah ay tahay iyada oo Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee uu ugu horeeyaa,isla markaana ay Ninka uu u Magacaabay Madaxa Mashaariicdda Dawladda Hoose oo ay Isku beel yihiin ay Lunsadeen Lacagtii Jidkaas lagu dhisayay uu bixiyay Barnaamijka Maamul-daadajinta ee Midawga Yurub ay Labaddas Masuul lunsadeen.

Si kastaba ha ahaatee,waxa dadka reer Hargaysa la yaabanyihiin Maamul-xumadda iyo Musuqa hadheeyay Masuuliyiinta Dawladda Hoose oo uu ugu horeeyo Maayar SOTELCO oo ay ku tuhmayaan inuu kala jeclaystay Degmooyinka Caasimadda Hor-joogaha looga dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>