Maayarka Hargeysa oo Amray in la dumiyo Gurigga Xildhibaan Maxamed Cali (Obama) ku leeyahay Hargeysa

Dumis q(Duulnews)-Maayarka Dawladda Hoose ee Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid ayaa si adag uga dagaal galay Mooshinkii ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladdu shalay diiden, waxaana ka mid ahaa talaabooyinka uu qaaday in uu kaga aargoostay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) in uu dumiyo Guest House uu ku leeyahay Hargeysa, kaasoo habeen ka hor inta uu shaqaalaha Dawladda Hoose u diray ku qoray Dumis kaabadaha amaanka loogu talogalay kuwaas oo ay Dawladda Hoose ee Hargeysi hore ugu ogolaatay.

Sida ay Waaheen u sheegeen dad goob joog ahaa waxa ay shaqaalaha Dawladda Hoose ku Amreen xildhibaanka in uu dumiyo kaabadaha iyo qolka ay galaan ilaalada Guest houseka xildhibaanka oo ay galaan hay’addo Caalimiya, kuwaas oo ay Amaankooda masuul ka tahay Dawladda Dhexe iyo Dawladda hoose oo uu Maayarku masuul u yahay.

Talaabadan oo uu Maayar Soltelco qaaday Habeenimadii Mooshinka aroornimadeeda la soo dhigayey ayaa u muuqda in uu qayb ka ahaa talaabooyin is xig xigay oo uu Maayarku kula dagaalamayey xildhibaanadii Mooshinka waday, kuwaas oo la sheegay inuu Maayarka iyo dad uu abaabulay oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano kala duwani guryahooda iyo goobaha laga helo ku doonteen isla markaana fursado dhaqaale iyo kuwo kale-ba u bandhigay si ay uga hadhaan meel marinta Mooshinkaasi.

 

Inkasta oo ay Golaha Wakiiladdu joojiyeen Mooshinkaasi, isla markaana lagu hakiyey Cod hadana waxa muuqata talaabooyinka sahlay inay muujinayaan in Maayarka Hargeysa iyo Golayaasha Deegaanku si xoog ah uga hawl-galeen, wallow ay UGUB tahay talaabada ugu adag ee uu kula kacay Xildhibaan Maxamed Cali (Obama) oo meheradiisii laga weeraray, hase yeeshee su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay Dawladda Hoose ee Hargeysa ma fulin doontaa Duminta Xayndaabka amaanka ee Guest House-kaasi mise waxay noqon doontaa talaabo xildhibaanka lagu cabsi galinayey.

 

Sidoo kale, su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay kaabadaha iyo qolka ilaalada Guest-housekaasi ma waxay sharci daro noqdeen markii Mooshinkan la keenay, haddii ay sharci daro ku dhismeen yaa bixiye? Haddii ay Dawladda Hoose hore u bixisay ama u dumin weyday in ninba inta uu awooda u leeyahay xilka uu qaranka u hayo inuu siduu doono ugu takri falaa qarankan ma dhisaysaa?

 

Si kasta ha ahaatee, waxay saxaafaddu Isha ku hayn doontaa halka uu ku danbeeyo dagaalka ka dhashay Mooshinkii gil-gilay Maayarada Golayaasha deegaanka ee la laalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>