Madal Il-Yartu Is Qabatay Oo Madaxwayne Siilaanyo Iyo Golayaasha Sharci Dajinta Loogu Baaqay Inay Dhaqan-Geliyaan Xeerka Kootada

news 1Hargeysa(Duulnews/Yool)_ururka wadaniga ah ee Vosomwo oo Kullan Ballaadhan oo uu Ku qabtay Hotel Impiral ee Magaalada Hargeysa, waxa uu Cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay sidii lo dhaqan gelin lahaa xeerka kootada ee Gollaha wakiiladda Somaliland Hor-yaallla. Munaasibadaas oo ahayd mid meeqaam-keeddu sareeyo ayaa Ugu Horreyn waxa madasha ka hadashay Gudoomiyaha Ururka Wadaniga ah ee Vosomwo Marwo Faysa Cabdilahi iyadoo Baaq Culus uu jeedisay labada Golle Baarlamaan, Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland. Marwo Foosiya oo arimahaasi ka hadlaysa ayaa waxay tidhii.” kulankan Maanta aynu isaagu nimi hadan ka hadlo Ujeedadiisu waxay tahay, sidii aynu usii amba qaadi lahayn Kullanno xidhiidha hore, kuna saab-sanaa sidii dadka laga tiradaada badan yahay uga qaybqaadan lahayeen, Siyaasadda dalka. Isla markana loogu abuuri lahaa Fursado ay shaqo iyo Waxbarasho Beelaha laga tirada Badan yahay ee ku dhaqan Somaliland. Walaayaal sidaan wadaa Og-soonahay waxay Gollaha wakiilada ama sharci dejinta, waxa muddo hore yaallay Koto Hore oo lagu tallo galay Dumarka iyo dadka laga Tirada badan yahay, taasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhowan Khudbadiisi uu danbeysay ee uu Ka jeediyey Laba Gole inay ansixiyaan Kootasi. Urur ahaan anaagoo ka duuleynaa Khudbadaasi ayaannu soo qaban-qaabinay Kulankan lagaga Hadlaayo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dadka laga Tirada badan yahay. Siyaasadda Dalka. Isla markana loo ansixiyo lahaa kootadaas oo aynu og-soonahay inay tahay ta kali ah ee ay uga qayb qaadan laahyeen talada dalka.Kulankan Maantana waxan ku lafo-guri doonaa oo aan xoogga ku saari doonaa in aynu ku dejino qorshihii ama habkii anyu gollaha wakiiladdu ku ansixiyaan lahaayeen kootadaas. Xaqiiqadu siday tahay kootadu waa Habka kali ah ee ay dadkani ku helei karaan xaquuqdooda siyaasadeed ee ay dalka u leeyihiin, sida darteed waxan cod dheer ugu baaqayaa labada xisbi Ee Kulmiye iyo Wadani. Oo ah labada xisbi ee ugu Tirada badan Aqalka Wakiiladda, waxana usoo jeddinaynaa inay Xil weyn iska saaran sidii ay dadkaas sida Xun lo faquuqay xaqooda u Hiliyaan. Oo ay ansixiyaan Xeer kaas”.Sidoo kale, waxa iyaguna Madashaasi hadalo kala duwan balse, isku ujeedo ah ka jeediyey Masuuliyiintii Xafladaasi ka soo qayb galay oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenkii hore ee Xukuumadii Rayaale Cismaan Mahdi Buuri, Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere) Dr. Xuseen oo ka tirsan Xisbul Xaakimka Kulmiye, Yuusuf Kayse oo ka tirsan Xisbiga Ucid, Marwo Faadumo Siciid Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Wadani, Suldaan Naasir iyo Marti sharaf kale iyaga oo dhammaantood Golayaasha Xeer-dajinta Qaranka ugu baaqay in si deg deg ah loo dhaqan geliyo Xeerka Kootada ee hor yaala Golaha Wakiilada Somaliland.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Eng. C/qaadir iimaan Warsame, isaga oo sheegay inay Diiwaan-gelinti Bilaabmi doonto, waxaanu ka codsaday inay beesha Gabooye si weyn uga qab-qaataan diiwaangelinta Cod bixiyaha. Eng Cabdiqaadir iimaan oo amuurtaas ka hadlayaa waxa uu yidhii” horta dhowaan waxa bilaabmi doontaa Diiwaan Gelintii markaa waxa lo baahan yahay inaad ka wada qayb qaadataan oo xaq waxaad uu leedihiin inaad wax dooratan iyo in la idin doorto, waayo waxaad tihiin Muwaadiniin. Waxa kale oo aan wax ka qaban doonaa cabashadiina xagga sanaaduuqda”.ayuu yidhii Gudoomiyaha Komishanka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>