Madaxtooyada Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Eedo Madasha Wadatashigu U Jeedisay Xukumadda iyo Guurtida

dhuxul(Duulnews)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa si kulul uga jawaabtay Eedo Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha wadatashigu u jeediyeen Madaxtooyada iyo Golaha guurtida Somaliland.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyay aan lagu arag saaxadda Saxaafadda ayaa Odayaasha Madasha eedeeyay kuna dooday inay dawladdu sii jirayso bacda 26 June 2015-ks.

 

 

“Nimanka lagu magacaabo Madasha oo markii horeba ahayn Sharci, ayaa intay Saxaafadda soo fadhiisteen yidhi 26-ka June 2015 umaddu ha isku timaado oo dawlad ha dhisato. Shacbiga Somaliland muddho dheer ayay tacab soo galiyeen dawladnimadan. Dawladnimadii shalay jirtay ayaa 26-ka june jiri doonta, 27-ka June jiri doonta. Dawlad inta la isku yimaado la dhisayaa ma jirtee Shacabka Somaliland cid bay igmadeen oo talada ay u dhiibteen. Ciddaas baa ka masuul ah oo ay taladooda ku og yihiin” ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.

 

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland waxa uu intaasi raaciyay “Waxaa runtii la yaab leh nimankaasi hadlayay waxaa ku jira Niman fara badan oo dalkani uu tacab fara badani ka soo galay, haddana hadalada maanta ka soo baxayaa u muuqdaan in cadawga Somaliland salaam ka soo dhigan karo…waar cadawga Somaliland sallaan ha u noqonina”

 

 

Mudane Dhuxul, waxa uu carrabka ku adkeeyay in Xukumaddu xilka sii haynayso marka wakhtigu ka dhamaado “26-ka June dawladdani way jiraysaa horena way u soo jirtay. Wixii lagu soo tabcay ee dawladnimada ahaa dhayal umadda kaga burburi maayaan”

 

 

Dhanka kale waxa uu Afhayeenku Guurtida ka difaacay Eedo Gudoomiyaha Madasha Xasan Guure Jaamac u jeediyay oo ahaa in qaarkood aan lagu Aaminin Biilasha caruurtooda “Sidaad adigu u sheegtay qaar guurtida ka mid ah laguma aamini waayin biilasha reerkooda ee qaran ka weyn ayaa lagu aaminay oo ay taladiisa hayaan oo u fadhiyaan, waa nasiib darro in erayo noocaas ahi yimaadaan…sidaydaan sharci u ahayn ayaanay waxaad ku hadashaana sharci u ahayn”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>