Madaxwaynaha Somaliland Oo Maanta Dalka Ku Soo Laabtay Kana Hadlay Safarkiisa

(Duulnews)-Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee safarka ugu baxay Dalka Ethiopia maalintii Axadii ayaa maanta oo Salaasa ah ku soo laabtay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Weftiga Madaxweynaha ayaa 11:00 Am duhurimo ee maanta ka soo degay garoonka Egal International Airport, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye

 

 

 

 

Muj. Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahim, Sulaadiin, Xildhibaano iyo Masuuliyiin tiro badan oo kale.

 

 

Madaxweynuhuna waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka socday Ciidanka Qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu madaxweynuhu u soo gudbay qolka martida oo uu saxaafada kula hadlay ugana warbixiyey kulan uu la yeeshay Raisal wasaaraha Dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>