Madaxwayne Siilaanyo Iyo Qoyskiisa oo ku Talo-Jira Inay Dalka ka Mamnuucaan Wakiilka Midawga Yurub

SIILANYOHargeysa(Duul/Yool/Haatuf)-Madaxtooyada Somaliland ayaa ku foogan tahay qorshe ay Dalka kaga Mabnuucayso (Persona non grata) Wakiilka Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaalida Ambassador Mechele Cervone d’Urso. Inkasta oo go’aankaasi uu yahay mid aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin, ayaa Xogta aanu helnay ay sheegayaan in qorshahaasi ay damacsan yihiin Madaxwayne Siilaanyo iyo xubno ka tirsan qoyskiisa, iyo sidoo kale, Wiilka uu soddoga u yahay ee Baashe Cawil.

Warbixintan oo Wargeyska Yool kasoo xigtay Mareegta Wararka ee Haatuf.net, ayaa la sheegay in Go’aankan la aaminsan yahay inuu ka dhashay cadho ay Madaxwaynaha iyo qoyskiisu u qaadeen beesha caalamka oo mawqif adag oo diidmo ah ka muujisay mudo-kordhinta 22-ka bilood ah ee Guurtidu u samaysay Madaxtooyadda. ayaa waxa isku dayey inay baajiyaan arintaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo iyaga oo wada-socda saaka [Shalay] tegay Madaxtooyadda si ay Madaxwaynaha arrintan ugala hadlaan.

 

Hase-yeeshee sida ilo-goobjoog ahaa Haatuf u sheegeen waxa Wasiir Biixi iyo Faysal iska hortaagay inay la kulmaan ama u galaan Madaxwaynaha Wiilka uu soddoga u yahay ee Baashe, kaasoo sida xogaha lagu tibaaxay isku gudbay Albaabka, isagoo sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen “..Waa la saarayaa… waa la saarayaa…. Ma jiro go’aan laga noqonayaa..!!”.

 

Sida la ogsoon yahay Ambassador d’Urso ayaa ahaa diblomaasigii hogaaminayey waftigii beesha caalamka ee Shalay [Doraad] ka dhoofay Magaalada Hargeysa, kadib markii uu kulamo lagaga hadlayey arrimaha mudo-kordhinta la yeesheen Madaxda Axsaabta, Guurtida iyo Xukuumadda inta-ba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>