Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Goboladda Dhexe Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Ka Dib Markii Madaxweyne Loo Doortay

Cadaado: (DUULNEWS)-Madaxweynaha Cusub ee loo doortay Maamulka Goboladda dhexe ee Somaliya,ayaa ka hadlay dareenkiisa ka dib markii Baarlamaanka Maamulkaasi Maanta u doorteen Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe ee Somaliya.

Waxa uu sheegay inuu si guud ugu mahad celinayo dhamaan Xildhibaanada,Odayaasha iyo Shacabka reer Galmudug.

“Waxaa maanta Shacbi-waynaha Galmudug muujiyeen muuqaal katurjumaya himmilada fiican ee dadka iyo dalka Soomaliyeed udhashay, waana waa-cusub oo u-baryay adakaynta Amniga Galmudug iyo dib-udhiska nolosha aasaasiga ee shacbigeena.

Waxaan Si xushmad iyo karaamo kujirto ugu mahadinayaa Xildhibaanada Galmudug, Odayaasha Galmudug iyo dhamaan Ururada

Bulshada ee maanta ii doortay Madaxwaynaha Maamulka Galmudug. Waxaan Dhamaantiin idiinku balan-qaadayaa, Maamul huffan, Siyaasad furfuran, adakaynta Amniga Gobollada Dhexe iyo iskaalmaysiga Dawlada Federalka Soomaliya”. Ayuu yidhi Cabdikariim Xuseen Guuleed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>